Guddida Taakulanta Abaaraha Somaliland Oo Qadar Lacageed Ka Gudoomay Urur dhalinro Iyo Ku-simaha Madaxwaynaha Oo Goob Joog Ka Ahaa

Hargeisa(GNN):-Guddida Taakulaynta abaaraha Somaliland ayaa deeq lacageed ka guddomay Ururdhalinyaro oo isku xilqaamay sidii ay taakulan balaadhan uga gaysan lahaayeen abaaraha baahsan ee dalka ka jira ,isagoo Madaxwayne ku-xigeenka jamhuuriyada Somaliland goobjoog ka ahaa Madasha lagu Wareejinayo qadarka lacageed ee ka timi qaar ka tirsan dhalinyarada jamhuuriyada Somaliland .

koox isxilqaantay 1

Ayaan Xaaji Aktoobar oo ku hadlaysay magaca gudida dhalinyarada ah ee is xilqaatay ayaa sheegtay inay Gudidada taakulanyta abaaraha ku wareejinayaan lacag dhan 11 kun oo Dollar iyo Lacag kaasha oo dhan 6 Milyan oo shilinka Somaliland ah iyo 1 tan oo isugu jira raashin iyo dhar .

Sheekh Maxmed Aadan oo kamida Gudidaisxilqaatay 3u saraysa Taakulaynta Abaaraha ayaa uga mahdceliyay dhalinyaradan sida ay isaga xilqaameen u gurmashada walaalahooda abaarta baahsani ku habsatay isagoo ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay sii wadaan taakeerada ay siinayaan dadka ay abaaruhu naafeeyeen.

isxilqaantay 2

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyada somaliland ahna ku-simaha Madaxwayanaha oo goobjoog u ahaa madasha lagula kala wareegayay Lacagtan ayaa ugu baaqay Qurbajooga reer somaliland inay gurmad laxaadleh ka soo gaystaan abaaraha baahsan ee dalka ka jira isagoo Madxawayneku-xigeenka somaliland carabka ku dhuftay inay abaaruhu marayaan meel halisa Madaxwayneku-xigeenku waxa uu yidhi “Waxaan u mahdcelinayaa dhalinyaradan is xilqaantay ,waxaan fariin gaara u dirayaa qurbajooga reer somaliland oo dalal wanaagsan jooga inay wixii karaankooda ah ay kusoo taageeraan dadka ay abaaruhu halakeeyeen ,abaaruhu meel xun bay marayaan Alle ha inaga soo jabiyee aad baan ugu mahad celinayaa cid kasta oo ak qayb qaadatay taakulaynta abaaraha “ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Madaxwayneku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxwayanha Somaliland.