Daawo:Wasiiru Dawlaha Amniga Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Afjaray Shirkii Turxaan Bixinta Ee Beelaha Walaalaha Ah Ee Ciise Iyo Sacadmuuse.

Hargaysa(GNN)- Wafti Uu Hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka qayb galay Shir Tuulada Cabdi geedi uga qabsoomay beelaha walaalaha ah ee Ciise Iyo Sacad muuse Galbeed.

Shirkan ayaa ujeedadiisu Salka Ku Haysay waxyaalo ay kala tabanayeen labada Beelood Iyo is Rasaasayn hore Ugu Dhex Martay Deegaanka Haadeyte Wakhtigii diiwaan gallinta Codbixiyeyaasha .

Shirkan oo duqayd, sulaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka labada reer ee walaalaha ah jilbaha isku dareen ayaa ka qabsoomay dhir waa weyn oo kulana hoostood, Halkaas oo garnaqsi dheer kadib la isku afgartay .

Kadib markii shirku soo gaba gaboobay waxaa waarfidiyeenada la hadlay xubno kamid odayaasha labada dhinac kuwaasi oo kala ah Oday Xasan Caydiid, Cali gabax, iyo Jiif caaqil caydiid Waxaana dhamaantoodba iska dabo mareen wanaaga nabadu ay leedaya iyo sida gacaltooyada, jaarnimada iyo walaaltinimada leh ee loo garnaqsaday nabada la xidhayna ay tahay in lasii adkeeyo

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka socday dhinaca xukuumada ayaa isaguna goobtaasi ka akhriyey qodobada kasoo baxay shirka ee la isla qaatay kuwaasi oo kala ah.

1-In wixii hadayta ka dhacay laysla qaato wixii khasaare nafeed iyo mid hanteedba ah

2-in wixii dhaawac kasoo gaadhay ciise ama mabaasan la keeno lana xaqo

3-In khasaarihii gaadiidka oo laba gaadhi oo mabaasan lahaydna la bixiyo

4-In wixii qoomo ku kala maqnaa mabaasan iyo sacad muusana ay dhamaystaan gudahooda

5-In la bixiyo lacag dhan $6000 ( lix kun oo dollar) oo xaal mar ah lana siiyo mabaasan

6-In la sameeyo guddi labada dhinaca oo ka shaqaysa nabadgalyada iskaashida iyo isku soo dhaweynta beelaha kana kooban 16 xubnood

7-In wixii magdhaw iyo xoolo ah ee la xaqay la isku siiyo mudo dhan 15 cisho guhood oo ka bilaabantan 08/3/2017 ilaa 23/03/2017

Xildhibaan Axmed Daahir maxamuud jirde oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii kamid ahaa

Ugu danbayntii waxaa shirkaasi soo xidhay wasiiru dawlaha wasaarada Arrimaha gudaha isaga oo sheegay in xukuumad ahaan wixii tabasho ahaa ee xukuumada isla qaateen inay dhamaystiri doonaan kana shaqayn doonaan.

Exit mobile version