Shil Baabuur Oo Xalay Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Berbera Iyo Hargeysa+Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Magacyada Dadka Ku Dhintay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil soona gaadhaya shabakada wararka Gabileynews ayaa sheegaya in xalay uu shil baabuur oo aad u naxdin badan uu ka dhacay jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Waxaana shilkan baabuur uu ka dhacay sida naloo sheegay duleedka Tuulada Xamaas oo ka tirsan magaalada Berbera,waxaana gaadhiga dhacay uu ahaa gawaadhida raaxada ee loo yaqaano VIREZZA.

Waxaana shilkan baabuur ku geeriyooday alla haw naxariistee hal qof oo magaciisa naloogu sheegay Cabdirisaaq Cabdilaahi Dhabbaacuul halka uu ku dhaawacmay mid kale .

Shilkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u naxdin badan.

Gabagabadiina muddooyinkii u danbeeyey ayaa waxa soo badanayey shilalka baabuur ee ka dhaca jidadka waa wayn ee isku xidha gobolada dalka Somaliland kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maalba leh.

Log11