Jamaal Cali Xuseen Oo Wixii Isaga iyo Faysal Kala Qabsaday Barbar-dhigay Qisada Ninka Gabadha Iska Dhigay Ee Asma-Coday

Jamaal Cali Xuseen Oo Wixii Isaga iyo Faysal Kala Qabsaday Barbar-dhigay Qisada Ninka Gabadha Iska Dhigay Ee Asma-Coday

Hargeysa,(SM):- Jamaal Cali Xuseen oo ahaa Musharrixii hore ee jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, balse wakhtigan ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa dhacdooyin isku dhaw ku tilmaamay wixii kala qabsaday isaga iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Qisada Ninka Guursaday Gabadha Wiilka (Asma-Coday) Minxiisadda ka dhigatay ee Kiiskoodu hadda Maxkamadda ku jiro.
Jamaal Cali Xuseen, waxa uu si wayn u dhalliilay, isla markaana dhibaato Somaliland ku lammaan ku tilmaamay Hay’adaha Garsoorka iyo Maxkamadaha oo uu sheegay inay yihiin kuwo aan cadaalad iyo Garsoor loo siman yahay ku shaqaynin ee waxoodu booshaaq yahay. Waxa uu sidoo kale, dhalliilay Bulshada oo uu ku tilmaamay kuwo iyagoon waxba hubin ku deg-dega hadal-haynta muwduuc go’aan Sharci u baahan.
Waxa uu Jamaal sidaa ku sheegay Qoraal uu ku baahiyey Bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Kulanka Bulshada ee Faysbuug (Facebook), waxaanu qoraalkaas uu Ciwaankiisa Faysbuug ku baahiyey nuxur ahaan u qornaa sidan:-
“Dadkeennu shay aanay u fiirsan ayey durbadiiba la boodeen. Bal Dadka idinku hadlaya eega. Waar gari Illaahay bay taqaanne ma dhegaysateen isagana Ninkii Carruuska ahaa? Wuxuu mar walba odhanayey dhibaatadaa igu dhacday ha layga soo caawiyo isagoo aad dareemaysid inuu dhaqaale-doon yahay.
Haddaba, dalkeenna dhan Ninkaa yar ee Carruuska ah, ayaa dawakhiyey, markii la soo waraystay Reerkii waa kuwaa Inantii yarayd ee Ninka lagu sheegayey waataasi, Illaahay baa runta oge ishaa innoo Macallin ah. Waar show dunidu waa wada Ina Cali Waraabe, midba wax ha ku qarafaystee.
Dalka Maxkamad kala wadda oo durbadiiba dadka kala saarta oo cadaalad iyo Garsoor baan jirin. In isla maalintii Maxkamadda la keenay la kala tuuro oo Makhaatiyaashii la keeno ayey ahayd. Maxkamadda Somaliland Anigaaba soo taabtay kuwa lagu sheegay Maxkamadda Sare.
Qaar Diin iyo iimaan toona leh maaha, waa kuwa Dacwaddii UCID ee kii aan ka dacwoonaynay ee Xisbiga ragaadiyey ee xataa horteeda ka qirtay wax walba yidhi; ‘isaga ayaa Mus-danbeed ah, ka dibna wixii ay malmaluuqday ee Cali-Mahdi Gar leh/ Caydiid gar leh, haddana fulinteedii oo la kufsaday daawanayey.
Bal Adigu Tuug waxaagii dhacay oo lagu leeyahay Isagaa Mus-danbeed kuu ah in laydin kala saaro mooyee. Somaliland dal jira noqon mayso illaa runta laysu sheego, dalkuna helo Maxkamad Illaahay ka baqaysa oo damiir leh. Waxbaa ka Soo salag leh, Ninkastoo is waalana, Nin waabiyaa hela.
Dirxiguba Dantiisu
Qudhun Ugu dabaashaa
Bulshadeennu Daahiyo
Inta ay Dabool weyn
Doqonkii ku dedayaan
Digaroganba maynee
Meeshuu ku danbeeyiyo
Halka Doqon wakhtigu dhigo
Dib baa looga sheekeyn.” Tuducyo-Sugaaneedkaas oo aanu sheegin in uu isagu curiyey iyo in uu cid kale ka soo xigtay, ayuu Jamaal Cali Xuseen ku soo gebo-gabeeyey Qoraalkan uu ku baahiyey Ciwaankiisa Faysbuug oo aannu ka soo xigannay.