Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dalka Kusoo Laaban Doona Iyo Su’aalo Bulshadu Is-weydiinayso Oo Jawaabtooda Looga Fadhiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo in muddo ah safar gaaban ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa la filayaa inuu maanta oo jimce ah dalka dib ugu soo laabto, waxana soo noqoshadiisa laga dareemayaa guud ahaanba magaalada Hargeysa.

Siilaanyon

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayeen xubno kooban oo qoyskiisa kamid ah, ayaa lagu wadaa inay magaalada Addis Ababa kasoo raaci doonaan wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirkiisa Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaas oo ay si wada jir ah ugu soo wada degi doonaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madaxweynaha oo ku maqnaa safar shakhsiyeed aan wax hawlo qaranku leeyahay wehelin, ayaa lagu wadaa inuu warbaahinta la hadlo, waxana soo guryo-noqoshadiisu kusoo beegmaysaa xilli shacab reer Somaliland ahi mudaharaad ay kaga soo horjeedaan saldhigga Militeri ee Imaaraadka laga siiyey madaarka Berbera ka dhigeen magaalada London oo uu ku sugnaa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu soo noqonayaa iyada oo xukuumaddiisa maalmo ka hor loo sameeyey muddo-kordhin sanad ka yar oo ay sababteeda leedahay abaarta baahsan ee dalka ka jirtaa.

Inkasta oo dhawaan madaxweynaha lagu arkay isaga oo taxaashaya gudaha magaalada Loondon, haddana waxa laga sugayaa inuu jawaab ka bixiyo hadallo ay dhawaanahan mucaaridku ka fidinayeen caafimaadkiisa, kuwaas oo tashuus ku riday qaybo badan oo bulshada kamid ah.

Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa looga fadhiyaa inuu fallaadh ku gano guul-guulka iyo farogelinta ay xukuumadda Muqdisho ku hayso heshiiska xukuumaddiisu la gashay dalka Imaaraadka oo aan weli si fiican u saldhiganin, isla-markaana wararku sheegayaan in mooshinno ka dhan ah la kor keeni doono Baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan la doortay.

Madaxweyne Siilaanyo oo aan weli ka hadlin mudaharaadka London iyo muddo-kordhinta loo sameeyey, ayaa lagu wadaa inuu dareenkiisa ka dhiiban doono, waa haddiiba warbaahinta loo oggolaado inay su’aalo weydiiso’e, waxase la filayaa inuu warbixin kooban bulshada siin doono marka uu soo guryo noqdo.

Xigasho Hubaal News.

 Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network