Roobabkii Gu’ga Oo Ka Curtay Somaliland, Dooxa Dacar Budhuq Oo Gaadhi Iyo Laba Dumar Ah Qaaday Iyo Fariinta Gudoomiyaha Maroodijeex.

Roobabkii gu’ga ayaa ka curtay qaar ka mid ah deegaanada somaliland ee abaaruhu ka jireen.

Roobabka guga ayaa ilaa hada si rasmiya uga curtay gobolada Awdal, Maroodi Jeex, Hawd,  Gabiley iyo deegaano badan oo ka tirsan gobolo kale.

Gudoomiyaha gobolka Maroodi Jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug(Buraale) oo la hadlay Hadhwanaagnews ayaa sheegay in roobabka gugu ay si wanaagsan uga curteen deegaanada Daarasalaam, Aw Barkhadle iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Maroodi Jeex.

Gudoomiye Buraale ayaa sheegay in dooxa Dacar Budhuq oo ka mid ah dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera uu haatan  qaaday gaadhi Surf ah oo ay

saarnaayeen laba dumar iyo dirawalkii waday, ka dib markii ay isku dayeen inay soo dhex maraan dooxa oo ay ku soo rogmadeen daadad awood badani.

Gudoomiye Buraale ayaa fariin u diray shacabka somaliland waxaanu yidhi “Waxaan uga digaynaa dadweynaha gaadiidka wata ee iskaga gudbaya dooxyada u dhaxeeya gobolada inay iska ilaaliyaan dooxyada biyo mareenada ah ee dadka gaadiidkaba qaadi kara, iyada oo roobkiina uu ka curtay bari iyo Galbeed.” Ayuu yidhi gudoomiye Buraale.

Wakhtiyada roobabku ka da’aan somaliland ayaa dooxyada waa weyn ee u dhaxeeya gobolada dalku waxay qaadaan gaadiid iyo dad doonaya inay ka gudbaan.

 

Exit mobile version