Shirkada Telesom Oo Awood Ciidan U Adeegsatay Xadhiga Odayaal Kasoo Horjeestay In Laga Dul Dhiso Biraha Taawarada Oo Halis Caafimaad Darro Laga Dhaxlay + Tirada Dadka Ugu Xidhay Gabiley.

Hargeisa(GNN):- Iyadoo Aaney Ahayn Markii ugu Horeysay Ee Shirkada Telesom oo Adeegsaneysa Ciidamada Boolisku Bulshada Ku Xidh Xidhaan Falal Noocan oo kale Ah Ayaa Haddana Waxaa Isa Sootaraya Dhibaatada Shirkadani Ku Hayso Bulshada Ku Kala Nool Gobolada Dalka Oo Wakhtiga Gaadhay Inay Kuwii Miyiga Xabsiga Ku Gurto.

Dadweynaha Beero Qodatada Ah ee Ku Nool Deegaanka Looyaqaano Qadowga Oo  Hoostimadaa Gobolka Gabiley Oo Dhinaca Koonfureed Kagaga Beegan Kalabaydh Ayaa Si Xoog Leh uga Soo Horjeestay Shirkada Telesom Oo  Biraha Taawarada Keentay Deegaanka Goobo Dhawr ah Ay Doonayso Inay Ka Taagto,

Dadka Beeraleyda Ah ee Ku Nool Deegaanka  Qadowga Oo Birahan  Ka Soo horjeestay In Laga Taago Goobo Cusub Ayaa Kacdoon Iyo Buuq Kala Hortagay Meelo Kamid Deegaanka Oo Ay Shirkadu ka Dhisaysay Taawaradan, Waxaana Kadib Markii Ay U Diideen In La Dul Keeno  Birahan, Masuuliyiinta Shirkada Telesom  Kusoo Laabteen Magaalada Gabiley Oo Ay ka Kaxaysteen Kolanyo Ciidamo oo  Xoog Ku muquuniya Dhismaha Birahan Shirakadu Keentay, Odayaasha Deegaanka Oo Diidmo Iyo Dagaal Kala Hortagay Ayaa Sababtay in Qaarkood Maalintii Sabtida ee Doraad Ciidamadu Xabsiga Usoo Taxaabeen halka Qaar kalena Maanta Lagu Soo Qabqabtay Guryahooda oo Albaabada Lagu Jabiyey, Tirada dadka ee Ay Shirkadu u Xidhay Arrimahan Ayaa Ilaa Hadda Gaadhaya 6 Qof oo ah Odayaasha deegaanka, oo Lasoo Kala Qabtay Sabtidii Doraad Iyo maanta,

Badhasaabka Gobolka Gabiley oo Aanu Arrintan Wax ka Waydiinay Ayaa Isagu ka Gaabsaday inuu Wax Faahfaahin Ah ka Bixiyo Dhacdadan, Waxaanu Sheegay In aaney jirin habayaraatee wax uu ka ogyahay iyo cid uga timid Arrintaasi, haddii cid lasoo xidhayna tahay cid soo xidhay ciidamada booliska ee gobolka,

Dhinaca Kale Masuuliyiinta Shirkada Telesom Ayaa Iyaguna Ku doodaya In Dadkani Ay ka Jajabiyeen Qalab Kalana hor yimaadeen Shiid iyo Dagax Sidaa darteeda ay u haystaan dadkan xidhan wixii khasaare kasoo gaadhay qalab iyo agab ay shirkadu leedahay oo ay sheegeen in laga waxyeeleeyey.

Dadka deegaanka oo aanu qaarkood la xidhiidhnay  Oo falkan goob joog ka ahaa ayaa iyagu noo sheegay in sababta ay ugu diideen tahay  in ay ka dhaxleen dhibaato caafimaado Darro Taawaradan Kuwii Hore ee ay Ka Dhistay Shirkadu deeeganka islamarkaana aaney ogolaan doonin taawaro kale oo dhibaato kusoo kordhisa Shacabka, Waxaaney intaa ku dareen in dhawrkii sano ee shirkada Telesom taawaradan deegaanka keentayba ay xanuuno kala duwan kala kulmeen hooyooyin caruur iyo dad waayeel ah.

116

Sikastaba ha ahaateen Falalkan noocan ayaa ah kuwo ay caadeysatay shirkada Telesom oo badiba goobaha sidan oo kale dadku uga soo horjeestaan inay dul keenaan birahan taawarada iyagu u adeegsada awood ciidan iyo khasab lagu dhiso,

Waxaana Badiba Shacabku isla Qireen in Halista Caafimaado ee Ay Sababaan Birahani ay yihiin kuwo bulshada waxyeelo baaxd leh soo gaadhsiiyey islamarkaana aaney jirin cid habayaraatee wax ka qabanaysa dhinaca dawalada iyo laamahii ku shaqada lahaaba, Taasina ay Marwalba sababto in Marka Shacabku ka Gadoodaan Taawarada Jeelasha lagu guro iyadoo Telesom adeegsaneysa Lacag iyo Awood ciiidan.

IMG_FCD96E-9F917D-D1B0D0-BDE4D7-8B592E-222DBB

Ma Jirto  Cabir Ama Halbeeg Sax Oo bulshada Ay usoo bandhigtay Shirkada Telesom Khatarta Ka Iman Karta Taawaradan Gudbiya Khadka Telefoonada Iyo Internetka, oo Bulshada Kusii daaya Shucaac  Keena Xanuuno halis ah ay u nugul yihiin hooyooyinka uurka leh iyo haweenka qaangaadhka ahi.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Office.