Wasaaradda Maaliyadda oo Xawaaladaha u Diiday inay ka Qabato Cashuur Sanadeedkii Liisamadooda Sarrifka

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sadexdii cisho ee ugu danbeeyey kulamo la lahayd  sarriflayaasha waaweyn ee leh Xawaaladaha kuwaas oo doonayey in Liisamadooda sarrifka ay ka bixiyaan Cashuur sanadeedkii laga qaadi jiray, hase yeeshee wasaaradda Maaliyaddu ka diiday, iyadoo ku Doodaysa in ay fulinayso go’aankii Golaha Wasiiradda ee ka dhashay la tacaalida Sicir bararka.

Kulamada Wasaaradda Maaliyadda iyo Sarriflayaasha oo ka dhacay xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa la isku mari waayey xal u helida arrintan, waxaanay wasaaradda Maaliyaddu ku adkaysatay inaanay u cashuuray Liisamadda, maadaama xukuumaddu go’aan kaga gaadhay shirkii Golaha wasiiradda ee waxa lagaga qabanayey Sicir bararka.

Talaabada wasaaradda Maaliyadda ayaa ku soo hagaagaysa Xilli Sicir bararkii sarriflayaasha lagaga joojiyey inay ku shaqaystaan Liisamadooda aanay wax natiijo ah xukuumaddu ka gaadhin, iyadoo go’aankaas iyo kuwii kale ee ku Lamaanaa ay u muuqato inay socon waayeen, maadaama qiimihii Doolarku halkii ugu saraysay marayo.

Sarriflayaasha ayaa wasaaradda Maaliyadda hor dhigay in aanay talaabada lagaga joojiyey shaqadoodu ahayn xalka wax waxa lagaga qaban karo Sicir bararka, sidaas daraadeed ay xukuumaddu ka noqoto go’aanka isla markaana loo cashuuro Liisamadooda si ay Suuqa si xor ah ugaga shaqaysan karaan.

Is mari waaga Sarriflayaasha iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa wali taagan, waxaanay u muuqataa Wasaaradda Maaliyaddu inaanay ka tanaasulayn mawqifkeeda, halka Sarriflayaashuna ay u arkaan go’aankaasi in aanu waxba ku soo kordhinayn Qiimaha Sarrifka

Log1