Wasiir Sacad oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta Xukuumadda Loo Sameeyey iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Xidhiidhkii Somaliland Iyo  Beesha Caalamka?

Waraysigan ayaa waxa uu u dhacay sida tan

Su’aal:-Madaama aad tahay wasiirka arrmaha dibada Somaliland xukuumadd ahaan sidee ayaad u aragtaan socdaalka xoghayaha guud ee qaramada Midoobey ku  tagey Somaliya?

Jawaab:-Xoghayuhu xaq ayuu u leeyahay inuu tago dalka uu doono,hadii uu Somaliya tagayna waa u xor ,kolay abaaraha ka jira awgeed ayuu u tagay laakiin innaga Somaliland baa Layna yidhaahdaa,Somaliland ahaana waxaan uga fadhinaa gurmad deg deg ah oo ku waajahan abaaraha.

Suaal:-Golaha guurtidu muddo kordhin ayay u samaysay xukuumadda,wakiilada iyo golayaasha deegaanka markaas muddo kordhintaas sidee ayaad u aragtaa?

Jawaab:-Guurtidu xaq bay u leeyihiin in waxii loo xil saaray waajibkooda ka gutaan,inaynu ku ixtiraamno mooyee hadal kale kuma lihin.

Su’aal:-Beesha Caalamku gaar ahaana wadamada Somaliland ka cawiya doorashooyinku aad bay uga soo hoejeesteen muddo kordhintii hore loo sameeyey markaas ma la odhan karaa madaama heshiiskii xisbiyada ay guurtidu baal mareen in ay beesha caalamku raali ka noqonayn muddo kordhintan cusub?

Jawaab:-Guurtida ayaa dastuuriyan xaq u leh inay  goyso,wayna goosay iminka waxa looga baahan yahay in laga hawl galo sidii ay doroashadu u dhici lahayd dib  u dhaca doorashadana wax kale may keenin ee abaaraha jira dartood ayaa keenay,mana qabo in beesha Caalamku is badal ku yimid.

Su’aal:-Ma la odhan karaa xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka is bedel baa ku yimid oo wuu xumaaday?

Jawaab:-maya xidhiidhka Caalamka inoo dhaxeeya wuu wanaagsan yahay wax iska badalay ma jirto inuu wanaagsaanado mooyaane wax xumaaday yo dhibaato ku timid ma jirto.

Su’aal:-Abaaruhu way kasii darayaan maxaad beesha caalamka ugu  baaqaysaa ?

Jawaab:-Caalamka waxaanu ka sugaynaa oo aanu marti uga nahay inay naga caawiyaan abaaraha gurmad deg deg ah ayaynu u baahanay iyo inay gargaar deg deg ah inoo fidiyaan hadii roobabku da’I waayaan labada todobaad ee Soo socda.xaaladeenu aad bay u xun tahay.

Su’aal:-Sicir barar baa dalka ka jira walina xal wax lagaga qabto looma helin markaas adigu sidee ugu fudud ee xal looga heli karaa sicir bararka?

Jawaab:-Hadii aynu nahay Somaliland oo aynu doonayno inaynu maarayno sicir bararka oo aynu yarayno waxaynu dibada ka keenayno ,lacagtan faraha badan ee maalin walba qaadka inagaga baxda lafteeda waxaynu u baahanay inaynu wax ka badalno oo loo meel dayo,haddii aynaan waxba soo saarayn ,waxii yaraa ee ina soo galena aynu siisano wax dhib mooyee aan manfac ahayn waa dhibaato,shilinkeenuna qiimo yeelan mayo,shilinkeenuna waxa uu ku xidhan yahay hadba sida aynu wax ula soo  baxno.

Wargeyska:Geeska