Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Dallada Aqoonyahanka Horseed Oo Xisbiga Kulmiye Ka Tirsan+Sawiro

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaaradda warshedaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa maanta hadhimo-shareed ku maamuusay hoggaanka dallada dhallinyarada aqoon yahanka ah ee HORSEED oo dhawaan si rasmi ah ugu biirtay xisbul-xaakimka KULMIYE.

Munaasibadda hadhimada ah oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ujeeddadeedu ahaa sidii bahda dhallinyarada aqoonyahanka dallada HORSEED loo dhiirrigelin lahaa, isla markaana loo abuuri lahaa jawi ay dhallinyaradani kula jaan qaadi karaan xisbiga KULMIYE ee ay katirsan yihiin, waxana kasoo qayb-galay xubno wasiirro, wasiiru-dawleyaal iyo Agaasimayaal guud iskugu jira iyo weliba saraakiil sarsare oo xisbiga KULMIYE katirsan, kuwaas oo soo dhaweeyey dhallinyarada la casuumay.

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Ciyaaraha Md. Maxamed Xasan Dhabbeeye, Duulista Md. Cumar Sayid, Warfaafinta Md. Axmed Abokor iyo wasiiru-dawlaha wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame oo dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey casuumadda loo sameeyey bahda aqoon yahanka HORSEED oo katirsan xisbiga KULMIYE, waxana ay sheegeen inay qayb libaax ka qaadan doonaan dardargelinta hawlaha xisbiga iyo kor u qaadista barnaamijyada kala duwan ee uu xisbigu umaddiisa ugu hawllan yahay.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE ee gobolka Md. Cabdraxmaan Hadhiye, Md. Khadar Baaruud oo golaha dhexe ee KULMIYE ku jira iyo weliba Eng. Xuseen Ibraahim Buuni oo isla garabka dhallinyarada ee xisbiga KULMIYE katirsan, ayaa iyaguna wasiirka warshedaha uga mahadnaqay muhiimadda uu siiyey da’yarta katirsan xisbgiga KULMIYE, waxana ay sheegeen inay si hufan ula shaqayn doonaan bahda HORSEED oo katirsan xisbiga.

Guddoomiyaha dallada aqoonyahanka HOREED Md. Cabdiraxmaan Suudi oo isaguna madasha casuumadda ah hadallo kooban ka jeediyey, ayaa wasiirka warshedaha Md. Shucbayb Maxamed Muuse uga mahadnaqay sida uu muhiimadda iyo waqtigaba u siiyey dhallinyarada xisbiga ku cusub, waxana uu caddeeyey inay kaalintooda ay xisbiga kaga jiraan si hufan u qaadan doonaan, isla markaana aqoon iyo karti kaleba xisbiga kusoo kordhin doonaan.

Wasiirka wasaaradda warshedaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo isagu ahaa shakhsiga dhallinyarada katirsan xisbiga KULMIYE casuumadda u sameeyey oo madasha soo afmeeray, ayaa shaaciyey inuu hadhimada uga gol lahaa sidii jawi isbarasho iyo mid wada-shaqayneedba looga dhex abuuri lahaa bahda HORSEED iyo xisbiga KULMIYE ee ay katirsan yihiin, waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay doorkooda ka ciyaaraan hawlaha xisbiga oo aanay dareemin qariibnimo iyo in xisbiga cid kale uga sokayso.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xubnihii xisbiga KULMIYE katirsanaa ee madasha ku sugnaa ku dhiirrigeliyey in iyada oo gacmaha la is wada haysto laga wada shaqeeyo hawlaha xisbiga oo la hirgeliyo jawi wada-shaqayneed iyo mid is aamin oo arrimaha xisbiga la xidhiidha.