Askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ayaa lagu dilay degmada Buula-burte ee dalka somaliya 

Askarigan ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada,Hasse ahaatee ciidamada Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay dilka askariga uga shakisanyihiin ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan degmada Buula-burte sida dad ku sugan degmada ay saxaafada u sheegeen, waxay taasi sababtay in ciidamada Jabuuti rasaas ku furaan ciidamo ka tirsan kuwa somaiya ,Arintan ayaa la sheegay in markii danbe ay xiisad ka dhax abuurtay labada dhinac,
Waa markii ugu horeysay ee rag ku hubeysan bastoolado ku toogtaan gobolka Hiiraan askari ka tirsan ciidamada AMISOM,

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan iyo maamulka degmada Buula-burte intaba.

Wixii warar ah ee arintan ka soo kordha kala soco Gabiley.Net