Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Markab Sida Deeq Mucaawimo Ah Usoo Dirtey Dadka Ay Abaaruhu Ku Saameeyeen Deegaanada Somaliland Iyo Cadadka Deeqda Uu Sido Markabku

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay Markab sida deeq mucaawimo ah oo iskugu jira dawooyin,cunto ,Taandhooyin,Furshaan iyo waliba Biyo ay usoo dirtay dadka ay abaaraha baahsani ku saameeyeen deegaanada gobolada Bariga Somaliland oo xaaladooda nololeed wakhti xaadirkan meel adag marayso ayna bilaabmatay dhimashada dadku.

Waxaana deeqdan mucaawimada ah ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu usoo dirtay Somaliland loogu talo galay in loogu gurmado dadkaasi ay abaartu halakaysay isla markaana loo qaybiyo,waxaana sida la sheegay markabkani uu dekeda Berbera kusoo xidhan doonaa horaanta Bisha May ee fooda inagu soo haysa.

Markab deeqda ah ayaa waxa la sheegay in qiimaha uu ku raran  yahay uu yahay 10.3 Milyan Dirmah,waxaana uu ka kooban yahay sida aan xogta ku helayno 3.819 TON oo Cunto ah,356 TON oo Biyo ah, 23 TON oo Taandhooyin iyo Furshaan ah iyo waliba qalab caafimaad oo loogu talo galay caruurta ay Diifta,Macaluusha,Diihaalka,Darxumada iyo macaluusha abaartu sababtay ay u dheer tahay xanuunada Shuban Biyoodka iyo Jadeecadu.

Waxaana deeqdan Markabka mucaawimada ah ee ay dawlada Imaaraadku usoo dirtay Somaliland uu soo gaadhi doonaa dekeda Berbera horaanta Bishan soo socota ee MAY.

Sidoo kalena xogahan ayaa waxay sheegayaan Markabkan deeqda ah ay la socdaan dhakhaatiir iyo waliba guddi dabagal ah oo ay dawlada Imaaraadku soo raacisay,waxaana la garanayn in deeqdan mucaawimada ah ee ay dawlada Imaaraadka Carabtu ugu talo gashay dadka ay abaaruhu caydheeyeen ay si toos ah u wada gaadhi doonto dadkaasi.

Gabagabadiina deegaanada gobolada bariga Somaliland ayaa waxa ka jirta xaalad abaareed oo adag taas oo sababtay in ay bilaabmato dhimashada dadku,waxaana dadkaasi u dheer abaarta xanuunada Shuban Biyoodka iyo Jadeecada oo ay dad badan u dhinteen ilaa hadda.

Log11