Deg-Deg :- Xogo Daaha Ka Qaaday In Mulkiilaha Shirkada Telesom iyo Golis Uu Malaayiin Doolar Ku Bixiyey Sameynta Urur Diimeed lagaga Dhawaaqay Gudaha Somalia, iyo Qorshaha Iyo Mabda’a Ay Damacsan Yihiin Kooxahan Isku Xidhani.

London(GNN):- Xogo Shabakada Gabiley News Network Heshay Ayaa Iftiimiyey In Kooxdan Lagaga Dhawaaqay Gudaha Dalka Somalia Bishu Markii ay ahayd 4tii bishan april  ay salka ku hayaan arrimo diimeed oo ay wadaan kooxo si qarsoodi ah isku abaabula islamarkaana si hoose iskugu xidhan oo doonaya inay dalka somalia guud ahaan ka dhaliyaan  Xarako Iyagu Ay maamulaan iyagoo markaa ku Sheegaya Inay Ku maamuli Doonaan Jidka diinta islaamka iyo kitaabka quraanka Kariimka  ah,

Hadaba Xogo Shabakada gabiley news Ay Ka Heshay Shaqsiyaad U Dhuun daloola Kana Agdhow Dadka Aaminsan Aragtidan Islamarkaana Fikirka Iyo Dhaqaalahaba Ku Bixiya Sidii Urur Diimeedkan Cusub Ee lagu magaaacabay “SADICUUN BIL XAQ”,  oo Macanahiisu tahay kuwii xaqa ku dhawaaqayey ayaa Sheegay Inay Jiraan Shaqsiyaad Si Dadban Oo Daaha dabadiisa Ah Ugu bixinaya Dhaqaale Iyo Fikirba, Kuwaas  arimahan Ururkana U Wadda Si Qarsoodia Ah Bulshadana Ganacsigooda Iyo Shirkadahoodu yihiin Kuwa Dhaqaalaha Ugu badan Ka hela, kana dhex shaqeeya,

Walow Wararka Qaar  Sheegayaan In Labada Meelood Ee Jameecadan Lagaga dhawaaqay Ay yihiin Gudaha Somaliland Iyo maamul Goboleedka Puthland  haddana Xukuumada Somaliland Oo maanta Ka Hadashay Arrintaasi Waxay Iska Fogaysay Inay Ka jiraan kooxo Lagaga Dhawaaqay Gudaha Hargeisa, islamarkaana shaqsiyaadka muuqaaladan soo duubay ay yihiin kuwo  jooga gudaha somalia, oo si akhlaaq iyo asluub ka muuqato sheegay in aaney urukoodani aanu ahayn mid argagaxiso balse uu yahay mid ka gubtay dhiiga shacabka umada somaliyeed ee sida macno darrada ah u daadanaya kana damqaday dhibaatooyinka ka jira, iyagaana ay u taalaa waxay yeelayaan, mana jiraan wax somaliland gudaheeda lagaga dhawaaqay.

Hadaba Xogahan Aanu helnay Ayaa Daaha Ka Qaaday in Mulkiilaha Shirkadaha dhinaca Telefoonada ugu waaweyn ee ka Jira Somalia  iyo Somaliland

oo lagu kala magacaabo Golis, Hormuud iyo Telesom oo dhammaan shirkadahani ka farcamay  Shirkadii Albarakaat ee Uu Aas-aaskeeda Lahaa Mulkiile Axmed Nuur Cali(Sh.Axmed Jimcaale)  ay qayb weyn Ka Yihiin unuga iyo Fikirka Urur Diimeedkan Lagaga dhawaaqay Gudaha Somalia,

Waxaana Wararku Intaa Ku Dareen In Sh Axmed jimcaale Oo Ah Shaqsiga Leh Dhaqaalaha Ugu badan ee kasoo Baxa Shirkadahan islamarkaana Ah Ninka Ugu Tunka Weyn Shaqsiyaadka Ay Shuraakada ku yihiin Shirakadahan Uu Qayb laxaad Leh Ku leeyahay Hirgalinta urur Diimeedkan Lagu Dhawaaqay,

images (2)

Islamarkaana lacag Malaayiin dollar ah uu ku Fangareeyey ka midho Dhalinta Hadafka iyo Himilada Ururkan Sida Aadka Ah bulshadu u hadalka hayso.

Daraasad Caalami Ah oo laga Sameeyey Dhaqaalaha Masuulkan kasoo gala Shirkadahan Sanadkii  Ayaa Lagu Qiyaasay inay Ka Badan Yihiin kuna Libin laabmayaan  Dakhliga maaliyadeed Ee Sanadkii Marka Laysku geeyo Labada Dawladood ee Somaliland iyo Somalia Miisaaniyada Sanadkii,

aassddd

Ma Cada Meelaha Iyo halka Ay Ku baxdo Dhaqaalaha intaasi leeg Ee Soo gala Sheekhan isagu Mulkiilaha ka Ah Shirkadahan iyo Inta Kula Shuraakada Ah

ssssssssssssssssss

Waxaana  Bulshada Qaybo kamid Ahi Aaminsan yihiin in Dhaqaalahani lagu kharash gareeyo caawimada iyo Taakuleynta ururada Diimeedyada Ka Jira Gudaha Dalka Somalia, Taas oo Horena Sh.Axmed Jimcaale Dhaqaale Farabadan oo uu ka Helay Shirkadii Albarakaat  Wadamada Reer Galbeedku ugu Dareen liiska Argagaxisada Oo Sanado badan kadibna Laga Saaray.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALADA SHAQSIYAADKA KU DHAWAAQAY URURKAN

 

Ilaa Hadda Ma Jiro War Rasmiya Oo Si faahfaahsan U Qeexaya Ururkan Iyo Halka uu ku Lugta leeyahay, Dawlada Somalia Ayaan Iyaduna Dhinaceeda wax War Ah kasoo Saarin,

Bulshada Somaaliyeed Ayaa Dareen cabsi leh Kagaga fal Celiyey Arrintan Iyagoo ka Baqe qaba in Ficilada ururadii ka Horeeyey oo kale uu jidkoodii qaadi doono islamarkaana uu yahay uun mushkilad saddexaad oo kusoo korodhay,

Dabagalka Warkan Oo ku dhisan Xog iyo Xaqiiq Dhab ayaanu idinla wadaagi doonaa hadba wixii kasoo kordha. lasoco qaybaha danbe.

 

GABILEY NEWS NETWORK

LONDON OFFICE.