Fadeexado Hor leh – Kooxo U Adeegaya Maayirka Caasimada Hargeisa Oo Boob Iyo Dhac Cilmiyeysan U Gaysta Ganacsatada Yar-yar Ee Magaalada, Tirada Meherado laga Maqan Yahay Oo Ay Baadheen.

Hargeisa(GNN):- Kadib Markii Ay Dhawaan Wasaarada arimaha gudaha iyo dawalada hoose ee hargeisa oo kaashanaya laamaha amnigu amar ku bixiyeen in aan dalka laga ogolayn isticmaalka bacaha iyo ka ganacsigooda haddana taasi ma noqon mid joojisa ama lagu xakameeyo isticmaalkeeda iyo ganacsigaba,

Waxaana taa barbar socotay in shirkado yar-yar qandaraas lagu siiyey inay soo dajiyeen  bushqado yaryar oo la sheegay in lagaga maarmayo bacaha iyo isticmaalkooda oo halkii bacaha ay galayaan waxaana kiishashkan yaryar oo ka sameysay balaastic midabaysan si aad looso galiyey dalka iyadoo shacabka lagu khasbayey inay ku bedelaan halkii bacda islamarkaana Taa qofkastaa adeegsado.

Balse Talaabadaasi labaadna ma noqon mid midho dhasha islamarkaana sidii la rabay loogu guuleysto,

Kadib Hadaba Markii Dawlada Hoose Hargeisa oo uu hormood u yahay maayirka caasimada hargeisa tahli kariwaayeen in si loo joojiyo bacaha amaro lagu siiyo maamulada dekedaha iyo meelaha laga soo dajiyo ayaa taa bedelkeeda waxa noqotay in  hadimooyin dhac iyo boob khiyaameysan loogu gaysto Ganacsatada yaryar ee Meheradaha ku haysta caasimada,

Maayirka Caasimada Hargeisa Ayaa Sameystay kooxo Dhalinyar u badan oo Loo Xilsaaray Inay Qasab Ku galaaan meheradaha Islamarkaana Ay baadhaan Alaabaha iyo Bagaashka kala Duwan ee Ganacsatadu hayso,

Waxaana Qorshahan Lagu Raadinayo Bacaha Oo ay Si Baaxad Leh Weerar ugu Qaadeen Meherada iyo Tukaamada yar yar ee magaalada iyagoo dhalinyartani adeegsanaya ciidamo biliis ah meherada ay ku qabtaana, ka qaata dhammaan wixii bac ah ee ay ku qabtaan islamarkaana mulkiilaha meherada kexeeya kuna xidha Xarunta Dawlada Hoose ee Hargeisa oo Loo Sameystay Goob Dadkaasi lagu Soo Xidhidho, Ayaa Qofkaasi lagu xukumaa Ganaax Lacageed Oo Aaney Qaadi karin Ganacsatadan yaryar ee Quutal daruuriga kala soo baxa meheradahan yaryar ee ay haystaan, Waxaana Qof Kasta Oo Lagu Qabto Bacdan Inkasta oo ay leeg tahay xadigeedu ama tiradeedu lagu xukumaa Ganaax Lacageed oo Dhan 3,000 000 oo Somaliland Shilin ah Qofkasta oo lagu helo bacdan, iyadoo lacagtaasina ku dhacda jeebka kooxyar oo hawshan si aad ah ugu foogan una diran maayirka hargeisa oo qorshahan isagu lahaa,

Ukuurgalka Arimahan iyo Cabashada ay qabaan ganacsatadani  Ayaa Iftiimiyey Inay banaanka Soo Dhigaan Tacadiyo  Dhac iyo boob Cilmiyeysan Oo Lagula Kacay Dadkan Dhididkooda Xoogsada, Waxaana Arimaha Layaabka Leh ee Soo baxay noqotay In Bacahii bulshada laga ururinayey Dib Loogu Soo Celiyo Suuqyada hargeisa Oo Shaqsiyaad Waji Cusub Ahi Dib uga Iibiyaan ganacsatadii oo Ay lagama Maarmaan u Noqotay ganacsigoodii, Waxana jira meherado waaweyn oo ku yaala gudaha caasimada oo kooxahani iyadoo dadkii lahaa ka maqan yahay intay ay baadheen markii ay ka heleen midhadh baco ah ay khasab iyo awood ku kaxaysteen shaqaalahii meherada sidaana ay ku xidheen.

 

Talaabadan Arrxandarada ah Ee laba Wajiileynta ah ee Ay ku Kacday Dawlada Hoose Hargeisa Ayaa Noqonaysa Mid Bishii ugu Danbeysay Lagu ugaadhsanayo Meheradaha Iyo ganacsatada Wadhatadaha ah ee Suuqyada hargeisa,

222(6)

Taas Oo Kooxahan Isku shaqaystaa qaarna Dadka Kiis kagaga Dhigayaan Marka ay Ku Qabtaan Bacaha Halka Ay Qaarna Bacahii laga ururiyey dib ugu soo iib geeyaan suuqa.

Waxaana Arrintani U Muuqataa Dhac Khiyaameysan oo Bulshada Marna Lagu Ganaaxayo Bacaha lagaga ururiyey marna iyagii wajiyo cusubi dib ugu iibkeenayaan, Kamana jirto gobolada kale ee dalka iyo degmooyinka falalka noocan ah ee lagu waxyeelaynayo bulshada maatida.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network