Ganacsatada Suuqyada Waa Weyn Ee Hargeysa Oo Shaqo Joojin Samaynaya Iyo Saamaynta Sicir Bararka Iyo Qiimaha Sarifka Doolarku Ku Yeeshay Danyarta

Hargeysa(GNS):- Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Waaheen ayaa qorshaynaya inay maalinta bari ah sameeyeen mudaharaad ay kaga jawaabayaan sicir bararka heerkii ugu sareeyey maraya ee aanay xukuumaduna waxba ka qaban.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada suuqyada Waaheen iyo Gobonimo ay u balansan yihiin inay sameeyaan shaqo joojin, taas oo ay ku muujinayaan cabashada ay ka qabaan heerka uu marayo sicir bararku.

Mid ka mid ah gudida ganacsatada suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa oo ka gaabsaday inuu magaciisa shaaciyo ayaa Hadhwanaagnews faah faahin ka siiyey shaqo joojinta ay doonayaan inay ku dhaqaaqaan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu samaynaynaa shaqo joojin ay ka qayb galayaan  ganacsatada suuqyada waaheen iyo ganacsatada suuqa gobonimo oo nala qaatay,  bakhaaradii Daruuri, bacadyaalkii, bakhaaradii waa weynaa, khudaartii iyo ganacsatada kale oo dhami bari ganacsiga albaabada ayey u laabayaan,”

Sidoo kale xubintan ka midka ah guddida ganacsatada ee suuqa Waaheen ayaa soo bandhigay  cabashadooda waxaanu yidhi “Cabashadayadu waxa weeyaan maceeshadii oo nagu qaali garawday iyo sarifkii doolarka oo maraya heerkii ugu sareeyey, waxaanan doonaynaa in naloo jabiyo sarifka doolarka iyo qiimaha maceeshada, anaga oo doonayna inay noo jabiyaan wasaarada maaliyada, baanka dhexe iyo ganacsatadan waa weyn ee iyagu ku loolamaya suuqyada iyo cidii dawladu u xil saartay.”

Xukuumada somaliland ayaa hore go,aamo adag uga soo saartay sicir bararka iyo qiimaha sarifka doolarka, balse go,aamadaas ayaan wali fulin, waxaanu sicir bararka iyo sarifka doolarku marayaa halkii ugu saraysay, iyada oo aanay waxba ka qaban hay’addihii uu madaxweynuhu u xil saaray fulinta go,aamadiisii.

Dhinaca kale bulshada somaliland oo in badan oo kamid ahi yihiin dad danyar ah ayey saamayn taban ku yeesheen sicir bararka iyo kor u kaca sarifka doolarku, kuwaas oo dhaqaalihii soo galayey u goyn waayey quutal daruurigoodii muhiimka ah.

Dhinaca kale hoos u dhaca balaadhan ee ku yimid lacagta somaliland ayaa si weyn u saameeyeey shaqaalaha iyo ciidamada, kuwaasoo mushaharkii ay qaadanayeen ku soo ururay $60 oo kaliya, taas oo aan kafayn karayn noloshooda.