Gudoomiye Cirro Ma Rumayn Doonaa Balan Qaadkiisa Ahaa In Uu Banaynayo Kursiga Gudoomiyaha wakiilada ? Imisa Bilood Ama Maalmood Ayay Ku Qaadan Doontaa In Uu Go”aankaa Dhabeeyo ?..Faalo.

Waa Qormo Kooban Oo Kalsan Iyo Kor Waayeel Loogu Wan-qalay , Waa Kala Huf Iyo Kala Haadin Kafada Saaraysa Muddo Laba Iyo Toban Sanno Ah Oo Gudoomiye C/raxmaan Cirro Uu Ku Danaystay Xillkii Cuslaa Ee Ay 82 Xilldhibaan U Cumaamadeen Gudoomiye C/raxmaan Cirro , Waa Qormo Si Saxa U Lafa Guri Doonta Kaalintii Gudoomiye Ciro Ku Lahaa Golihii Wakiilada U Horeeyay Ee Bulshada Somaliland Codkooda Si Toosa Ugu Soo Doortaan , Waa Qormo KAS Iyo KAM’A-ba Laga Ilaashay Oo Kashifi Doonta Siyaasadaha Kakan Ee Kadeedan Ee Golaha Wakiilada Ka Dhigtay Mid Aan Hogaan Lahayn .

Hadii Aan Halkaa Ku Dhaafo Gundhiga Sida Ku Cad Sooyaalka Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland , Maalin Arbaco Ah Oo Ku Beegan 29/10/2005 Ayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIRRO) Loo Doortay Gudomiyaha Aqalka golaha Wakiilada Somaliland Gudoomiye Cirro Muu Noqon Kaadirr Xisbiyahan Ah Oo Kulamo Iyo Kaanbayn Joogto Ah La Bar-bar Taagan Xisbigii Uu Ka Soo Baxay Ee UCID.

Sidoo Kale Gudoomiye Cirro Muu Noqon Hogaamiye U Hagar Baxay Kobcinta Aqoonta Xildhibaanada , Dar-dar Galinta Si Ay U Gutaan waajibaadka distooriga ah Ee Bulsho Weynta Somaliland U Soo Wakiilatay , Sidaa Darteed Gudoomiye Cirro Umuu Sii Gogol Xaadhin Siduu U kori Lahaa Kursiga Ugu Sareeya Ee Dalka .

Dadka Siyaasada U Kuur Gala Waxay Tilmaamaan In Gudomiye Cirro Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Uu Cidhif Kaga Fadhiyay Oo Aanu Ka Wada Muuqan oo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Shaqadiisii Uu Gacanta Ku Hayay  .

Sidoo Kale Waxaa Lagu Tilmaamaa Gudoomiye Cirro Siyaasi Aan Curin Lahayn , Fikir Badana Aan U Hurin Kaalintii Hogaamineed Ee Uu Ku Lahaa Golaha Wakiilada Somaliland .

Gudomiye Cirro Waxaa Lagu Xasuusan Doonaa Mudadii Shanta Sano Ahayd Ee Golaha Wakiilada La Doortay Kalmado Isku Mid Ah Oo Uu Kalfadhiyada Ku Furi Jiray Kuna Soo Gunaanadi Jiray .

Dhamaadkii Mudadii Shanta Sanadood Ahayd Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Beegnayd 29/10/2010 Oo Waraysi Warbaahinta Madaxa Banaani Kula Yeelatay Xafiiska Shir-gudoonka Golaha Wakiilada , Mar La Waydiiyay Wixii U Qabsoomay Shantaa Sano Wuxuu Ku Jawaabay , Dhismaha Aqalka Golaha Wakiilada Iyo Xidhiidho uu sheegay in Ay La Sameeyeen Qaar Ka Mid Ah Baarlamaanada Wadamada Africa Iyo Europe .

Maanta Waxuu Kusiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro Ku Fadhiyaa Muddo Laba Iyo Toban Sanno Ah Waxaana Taariikhda Sannado Danbe Lagu Xusi Doonaa In Uu  Ku Danaystay Xillkii Cuslaa Ee Gudoomiye Cirro U Xillsaareen 82 Xilldhibaan Ee Golihii Wakiilada U Horeeyay Ee Bulshada S/land Codka Tooska Ah Ku Soo Doorteen Isagoo Gudoomiye Cirro Shantii Sanno Ee U Danbeeyay Ku Mashquulay Siduu Guulu Siyaasadeed U Gaadhi Lahaa Xisbigiisa Wadani Iyadoo Taariikhda Sannado Danbe Lagu Xusi Doono In Uu Shantii Sanno Ee U Danbeeyay Golaha Wakiilada S/land Uu Ku Jiray Saaxad Hogaamin La”aana .

Ugu Danbayn Waxaa La Gudboon Gudoomiye Cirro In Uu Si Dhakhso Ah U Rumeeyo Balan Qaadkiisii Ahaa In Uu Banaynayo Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada  Uu U Madax Banaanayo Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Waxaase Iswaydiin Mudan  Maanta Gudoomiye Cirro Ma Rumayn Doonaa Balan Qaadkiisa Ahaa In Uu Banaynayo Kursiga Gudoomiyaha wakiilada ? Imisa Bilood Ama Maalmood Ayay Ku Qaadan Doontaa In Uu Go”aankaa Dhabeeyo ?

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

GNN Staff Writers.