Kastamka Saylac Oo Buriyey Digreetadii Madaxweynaha Somaliland Kasoo Saaray Isticmaalka Bacaha Iyo Talaabooyin Qarsoodiya Kana Hor Imanaya Amarkii Madaxweynaha oo Ay Ku Cashuuraan

Madaxwayne Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo Ayaa 14 /4/ 2015 ayaa degreeto uu kuma madnuucayo ka ganacsiga bacaha ka soo saaray

Balse go’aankaasi uu madaxwaynuhu soo saaray ayaa maalmihii digreetadu ay soo baxday ay dhaqan galiyeen masuuliyiinta gobolada iyo dagmooyinku ku waasi oo masuuliyiintu ay kormeer ku soo marayeen maheradaha lagaga ganacsado bacahaasi waxaanay masuuliyiinta loo xilsaaray in ay dhaqan galiyeen digreetadani ay samaynayeen  cida ay ku arkaan ka ganacsiga bacaha ay ku soo rogayeen ganaax lacageed iyo xadhig

Balse go’aanka uu madaxwayne axmed silaanyo uu ka soo saaray ka ganacsiga bacaha ayaa noqday mid fashilmay waxaana jirta dad gaar aha oo si kootarabaan ah u soo galiya bacaha kana ganacsada waxaanay dadkaasi ka ganacsadaa ay xidhiidho la leeyihiin masuuliyiinta dawlada gaar ahaana masuuliyiinta wasaarada maaliyida oo u xilsaarana in in waxkasta oo dalka la soo galinaayo la soo mariyo kastamka lana soo cashuuro

Goobaha sida kootarabaanka ah looga soo galiyo bacahaasi uu madaxwayne siilanyo uu degreetada ka soosaaray ayaa waxaa ka mid ah deegaanka dekada saylac ee gobolka salal

Wararka naga soo gaadhay magaalada saylac ayaa sheegay in habeenkii xalay ahayd magaalada saylac laga soo galiyay  Afargaadhi oo siday 1250 kartoon oo baco ah ku waasi oo u siijiida dhankaasi iyo magaalo ganacsiyeedka dagmada tog-wajale

Ganacsatda soo dajisay bacaha uu madaxwaynu degreetada ka soo saaray ayaa waxay awoodo toosa ah la leeyihiin wasaarda maaliyada waxaana si qarsoodi ah loogu cashuuraa kastamka magaalada saylac ee xarunta gobolka salal

Go’aankani uu madaxxwayne silaanyo uu ka soo saaray kaganacsiga bacaha ayaa u muuqda mid fashimay