Maamulka Puntland OO Heshiis la Galey DPWORLD iyo Dawlada Farmaajo Oo Aan Ka Hadli Karin, Halka Maalin Walba Arimaha Somaliland ay Faraha Kula Jirto.

Maamulka Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay  6 April 2017 la saxiitay heshiis shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ku saabsan balaadhinta dekada magaalada Boosaaso, isla markaana ay maamuli doonto DPWORLD

Dawlada Taagtan Daran ee Somaliya Ka jirta ayaa ilaa maalintii jamhuuriyada Somaliland la gashey heshiiska DPWorld geed dheer iyo mid gaabanba ugu jirtey iney heshiiskaas hor istaagto, halka aaney awood ulaheyn iney xataa ka hadlaan heshiiska maamulkan puntland la galey DPWORLD.

Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaan la dayactiri doono dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan $ 336 million Dollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 2oo million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar, dhismaha dekada ayaa lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, heshiiska ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay.

Maamulaha shirkada DPWOLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman oo ka hadlay munaasibadii saxiixa heshiiska ayaa sheegay iuu aad ugu faraxsan yahay inay heshiis la galaan dawladda Puntland, sidoo kalena sheegay inay balaadhinta Dekada Boosaaso wax badan ku soo kordhin doonto ganacsiga iyo isu socdka wadamada Africka iyo guud ahaan mandaqada oo dhan , isla marhaantaan ay diyaar u yihiin in xidhiidh wanaagsan oo ganacsi oo dhow la yeeshaan welibana ka dhabaynayaan kana midha dhalin doonaan xili dhow.

Madaxweynaha maamulkan Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo shirkada P&O (DPWORLD) ugana mahadcelinayo soo dhawaynta wanaagsan ee ay isu sameeyeen isaga iyi weftigii balaadhnaa ee la socday iyo weliba sida wanaagsan ee ay ugu heelan yihiin.

Heshiiskan ayaa u muuqdan in dekeda bosaaso maamulkeeda uu hoos iman doono xafiiska DPworld ku leedahey Magaalada Berbera.

Exit mobile version