Mid Ka Mid Madaxweynayaasha Caalamka Oo Kooxaha Dagaalka Kula Jira Ugu Hanjabey In Uu Beerkooda Duban Doono + Madaxweynaha Uu Yahay

Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte ayaa fariin adag u diray kooxaha ka

soo hor jeeda ee dagaalka kula jira ka dib weerar fashilmay oo Salaasadii dhacay dalkiisa Duterte oo looga bartay hadalo ka yaabiyey bulshada caalamka ayaa sheegay in isagu uu ka bahalsan yahay Islaamiyiinta Xagjirka ah islamarkaana uu konton jeer ka badan qoorta ka goyn karo inta ay iyaga qoorta ka gooyaan.

Image result for Rodrigo Duterte

 

Xili uu ka qeyb galayey munaasibad Tartan Ciyaareed uu xadhigga ka jarayay ayaa waxaa uu soo hadal qaaday Kooxda ka dagaallanta Koofurta waddankiisa ee Abuu Sayaaf.

“Waa aniga midka inta beerkooda la baxa Liinta ku miiran doona kaddibna cuni doona, haddii ay joojin waayaan argagixinta shacabka Philippine” ayuu yidhi madaxweyne Duterte.

Rag ka tirsan koxda Daacish oo weerar isu diyaarinayay ayaa ku dhintay weerar fashilmay oo dalkaas ka dhacay, waxaana ka mid ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Daacishta Koofurt Philippines.

Madaxweynahan ayaa ku can baxay dilka dadka lala xidhiidhinaayo ka ganacsiga daroogada kuwaas oo uu in badan ka laayay,waxaana 100kii maalmood ee ugu horreysiisay Xafiiskiisa uu dilay 3,700 oo Qof.

Duterte ayaa amar ku siiyey booliska dalkiisa iney toogasho ku dilaan qofkii ay ku qabtaan daroogo iyagoo aan soo taagin maxkamad, waxaana amarkaas si kulul u cambaareeyey madaxda dowladaha reer galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo