Wafti Uu Hogaaminayo Murrashaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Oo Gaadhay Dalka Switzerland+Sawiro

Waxaana masuuliyiintani uu hogaaminayo murrashaxa madaxwayne ku xigeenka WADDANI Maxamed Cali Aw-cabdi ay bulshadii halkaasi kusoo dhawaysay uga warbixiyeen xaalada guud ee dalka Somaliland,iyaga oo sidoo kalena aad ugu mahadceliyey masuuliyiintani si fiican ee loogu soo dhaweeyey dalka Switzerland.

Intaa Dabadeed Waxa wafdiga loo galbiyay Hotelkii ay Degi lahaayeen muddo nasniina markii ay Ku qaateen Waxa loosoo Qaaday Madashii Xafladu Ka dhacaysay Halkaas Oo wax badan la isku waydiiyay Laguna Gorfeeyay.

Waxaana

Xaflada Oo ahayd mid iskugu jirta labo Qaybood kala ahayd  Qaybta hore waxay ahayd soo dhawaynta Madaxdan ee uu hogaaminayo murrashaxa madaxwayne ku xigeenka WADDANI halka ay Qaybta labaadna ahayd Doorashada Hogaanka cusub Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland.

Hadalka Waxa Furay misana Barnaamijka Hagayay Xoghaye Shirdon Waxaana madashan lagu furay Qawlka Eebe ee quraanka kariimka Dabadeed Gudoomiye Seef ayaa codbaahiyaha lagu Soo Dhaweeyay isaga Oo u mahadceliyay Wafdiga iyo Safarkoodan Taariikhiga ah Ee ay Ku yimaadeen Switzerland,waxaana u xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin ay dalka SwitzerLand soo gaadhaan madax sar sare oo ka socota xisbiga WADDANI.

Waxa hadana codbaahiyaha lagu Soo Dhaweeyay Gudoomiye Ku xigeenka cusub Maxamud Cabdillaahi Warsame Isna Waxa uu tix gabay ah Oo wax ku ool ah Ka tiriyay Madashaa xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland Mudane Cabdalle.

Waxa isna waano Dhaxal gal ah Soo jeediyay Odayga Somaliland Ee Oday Maxamed Cali Bashiir  Waxa xusid mudane inay Afka haweenka Ku Hadashay Kiin Oo ahayd Qabanqaabiyaashii Xaflada.

Waxa hadal xaga siyaasada iyo Danta Xisbiga Waddani u badan Ka jeediyay madasha  Siyaasi Xassan Muuse Khaliif.

Ugu Danbaytii Waxa Ka hadlay Murashax madaxwayne Ku xigeen Ee Xisbiga Waddani  Amb:Maxamed Cali Awcabdi Isaga Oo Hadalo badan Oo dhaxal gal ah Ka yidhi Madasha si aan Ka gabasho lahayna ugu Dhaliilay xukuumada wax qabad la,aan taas Oo uu Ballanqaaday inay wax ka badali doonaan hadii ay ku guulaystaan talada dalka Oo uu Xisbiga Waddani Hiil Iyo hooba Dadkiisa Dalkiisa Iyo Diintiisaba la garab taaganyahay

Intaa Dabadeed Waxa Xilkii Gudoomiye Iyo Gudoomiye Ku xigeen Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland loo cimaamaday

1.Gudoomiye:Mawliid Cilmi Axmed ((Seef)

2.Gud/ku xigeen:Maxamud C/lahi Warsame

Gabagabdiina inta ay  socdaalka ku joogaan dalka Switzerland waftigan uu hogaaminayo murrashaxa madaxwayne ku xigeenka WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan jaaliyadda reer Somaliland ee dalkan ku nool,madaxda dalkaasi iyo waliba taageerayaasha xisbiga WADDANI laantiisa Switzerland.

1 2 34