“Wasiirrada Somaliland Waxay U Badan Yihiin, Qurbe-joog Ahaan Jirey Qaad-waleyaal, Taksiilayaal, Kuwo Caydh qaadan jiray Iyo Hawl-gab..” Siyaasi Cali-Kubado “Kuwa naga mid ka ah (Qurbe-joogta) ee Wasiirada iyo xilalka sar-sare loo magacaabo dollar bay dalka ka soo diraan oo reeraha dibedda u dedgan ku masruufaan, qaarna..”

“Wasiirrada Somaliland Waxay U Badan Yihiin, Qurbe-joog Ahaan Jirey Qaad-waleyaal, Taksiilayaal, Kuwo Caydh qaadan jiray Iyo Hawl-gab..” Siyaasi Cali-Kubado
“Kuwa naga mid ka ah (Qurbe-joogta) ee Wasiirada iyo xilalka sar-sare loo magacaabo dollar bay dalka ka soo diraan oo reeraha dibedda u dedgan ku masruufaan, qaarna..”

Xigasho: Cali Khadar Xaaji Cismaan (Cali-Kubado) oo mid ahaa Komiishanka hore ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa dhaliilay wasiirrada xukuumadda iyo aqoontooda, waxaana uu sheegay inay u badan yihiin qurbe-joog aan wax shaqo ahayn ku hayn dalalka ay joogaan haddii ay shaqo hayeena ay tahay mid aan dawladnimada xidhiidh la lahayn, qoraal uu arrinkaas kaga hadlayo oo uu bogiisa Facebook-ga soo dhigay ayaa u dhignaa sodan:

Mid kastoo qurba joogtayada ka mid ahiba markuu baasaboor dal kale soo qaato, buu dhowr suudh ah oo huudheydh ah (who died) soo iibsadaa, dabadeed dalkuu dib ugu soo laabta isagoo xarago la daansho-daanshoonaya. Qaaliban waxaanu u badan nahay dad qaadan jirey gunada caydha la yidhaahdo, ama shaqoooyinka ugu xun xun baanu ka shaqayn jirney, ama hawl gab baanu nahay.

unnamed (1)
Qaarkayo cuduro dalalka qabow laga soo qaado baanu leenahay sida is-hiifka iyo bacaysnaanta( depression), oo waxaanu qaadanaa kiniino. Dhalinyarada dalka joogta hablihii ay guursan lahaayeen baanu ka guursanaa( oo jid goyntaasna waanu leenahay). Ta labaad intaanu adeegsano odayaal koofiyad baclayaal ah iyo madax dhaqameedyo, baa dabadeed madaxda dalka na laga dhigaa.

Kuwa naga mid ka ah, ee wasiirada iyo xilalka sarsare loo magacaabo dollar bay dalka kasoo diraan oo reeraha dibeda u degan ku masruufaan, qaarna guryo waa weyn bay dibedaha ka iibsadaan. Intii yarayd ee shaqo ahayd ee dalka ka jirtey baanu idiin ku suququlnaa, ilayn idiinkaa isku mashquulsan oo reer reer iyo qabiilo isu kala qoqobaye.

Waxaan xasuustaa markaanu ahayn kommmishanka doorashooyinka qaranka, todobadayada shan ka mid ahi waxay ahaayeen Qurbo joog baasaboorayaal dalal kale sidata. Wasiirada iyo madaxda kale ee Somaliland waxay u badan yihiin, Qurbo joog ahaan jirey wershado ka shaqeeyayaal, kuwo caydh qaadan jirey, kuwo hawl gab ah( retired), qaadwalayaal iyo taksiilayaal. Ta kale, qabyaalada idinku hadaad qolqol joogtii tihiin waxaad taqaaniin milgaheeda iyo kaftan keedaba, anigu hadaanu nahay Qurbo joogta waxay noogu xidhan tahay waqtiyadii maleeshiyaadka iyo marya-alloolada oo waxa naga buuxa naxli iyo xiqdi xad-dhaaf ahe bal nala socda. Kuwo kale oo badanina weliba sidaas bay kusoo socdaan, ee yaan la iix-iix laynin ilaa iyo iimaamka xiniinyahaa la is haystaaye. Eebow qaadir.Maqaal

Waxaan hadaba kasii yaabaa markaan arko kuwa Somaliya: gudoomiyaha golaha wakiiladu waa Jawaari oo waxuu ka yimi dalka Norway, sidoo kale raysal wasaaruhu waa Xasan Kharye oo isna ah reer Norway, oo bal Ilaahay amarkii shirikada Soma Oil Gas buu ku leeyahay labo milyan (2 million shares) oo saamiga shirikadaas ah. Dawladaha reer galbeedku waxaad moodaa inay dadka soo dirtaan, oo ay ku yidhaahdaan dalkiinii hooyo noo soo booba. Madaxweyne Somaliya Farmaajo waxuu haystaa baasaboor Maraykan ah, sida kale Cabdiweli-ga Puntland waa Maraykan. Wasiirada Somaliyana waxay u badan yihiin Qurbo joogtaas wada tabcaanka iyo bukaan socodka ah. Reer ba’ow yaa ku leh. Hadda caqli xumada gaalada baan idiin ka aqaanaayoo, shirikadaas uu Hassan Kharye labada milyan ee Saamiga ku leeyahay, waxay innagu odhan doonaan waa shirikad laga leeyahay dalka Somaliya oo hada ogaadoo Somalilandna ku jirto. Bello waa dambeysaa!

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday