Xisbiga Kulmiye oo Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Wadnihii iyo Mishiinkii Taageerayashii Birmingham Uk ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

 

Waxa Magaaladda Birmingham ee Dalka Ingiriiska ka dhacday xaflad aad u weyn oo lagu soo dhaweeyay Wadnihii Iyo Mishiinkii Hagaayey Murashaxii hore ee Madaxweyne ee Xisbiga UCID : Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Xafladan oo ayna u kala hadhin dhamaan Madaxda iyo Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Uk, Waxaa abaabulkeeda kaalin xoogle ka qaatay Guddiga Kulmiye ee Birmingham oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha iyo Ku-Xigeenkiisa ee Xisbiga Kulmiye Birmingham UK. Md Maxamuud Xirsi Duduu iyo Md Fariid Diiriye Nuur Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye Birmingham Marwo. Farduus M.Bootaan . Xoghayaha Kulmiye B.ham Mudane Asad iyo weliba Taageerayasha Xisbiga Kulmiye ee Birmingham Uk.

Goobta ayaa ahayd mid aad u bilicsan, waxaana ka qeyb galay Siyaasiyiin Aqoonyahano, Wax-garad , Haween iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Uk. Munaasibadan ayaa ahayd mid Xisbiga Kulmiye ugu talo-galay soo dhaweynta Taageerayaasha cusub ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ahaa Qaybtii ugu cuslayd uguna danbeysay ee Dalka Ingiriiska B.ham Uk.

Waxaana xafladdan kala qeyb-galay Tageerayaasha Kulmiye ee Birmingham . Gud Ku-Xigeenka Musdanbeedka Xisbiga Muxaafadka ee Kulmiye Uk Md Maxamed Cabdiraxmaan , Gudoomiye Ku-Xigeenka Kulmiye Uk Md. Axmed Cabdilaahi (Axda) , Gudoomiyaha Garabka Haween Kulmiye Marwo. Amran . Caasha Ayban oo Fulinta Kulmiye Uk. xubno ka tirsan hoggaanka, Guddida Fulinta Kulmiye Uk, Gudiyadda Laamaha ee Xisbiga Kulmiye Uk, kuwaasi oo dhammaantoodba xoogaga Taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen , ku soo dhaweeyey caleemo qoyan.

Dhanka kalena waxa iyana halkaasi ka haddlay xubno ku hadlaayey : AfkaTaageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku soo biirey ee ka soo jeeda Tageerayaashii Md Jamaal Cali Xuseen , Sida Xuseen Cumar Hure Iyo Marwo Ayaan Huseen Janaale. waxaanay balan-qadeen in ay taageero hiil iyo hooba la garab istaagi-doonan Xisbiga Kulmiye oo ka ku tilmaameen inuu yahay Xisbiga Horumarka iyo Midnimadda Qaranka Somaliland.

Sida oo kale Tageerayaasha maanta ku biiray Xisbiga Kulmiye ayaa waxay ahayeen Wadnihii iyo Mishiinkii dhaqaajin-jirey Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, Kuwaasi oo Maanta lulaayey Calanka Akhtarka Iyo Liinta ah ee Xisbiga Kulmiye . Waxayna halkaasi ka jeediyeen Erayo ay ku muujinaayeen sida ay u taageersan yihiin Xisbiga Kulmiye isla mar ahaantaana ay hormuud uga noqon-doonaan siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen doorashooyinka dalka ka qabsoomaya.taageero buuxdana la garab istaagi doonaan Xisbiga Kulmiye , taageeradayadaasina waxa ay noqon doontaa mid si dhab ah loo arko.”. Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo Taageerayaashii Jamaal Cali Xuseen eeku soo Biiray Xisbiga Kulmiye.

Aqlabiyadda GobolKa Saaxil oo ahayd meelihii aan hore Looga taageri-jirin Xisbiga Kulmiye . ayaa iminka u muuqda kuwo ay kafadooddu u wadda ciirtay dhinaca Xisbiga Kulmiye . taasi ay oo dareenka weyn ka qabaan iminka Axsaabta Mucaaridku . loona baahan-yahay inay xisaabtooddii hore dib ugu noqdaan. siiba ku biiritaankii Badiba Tageerayaashii ka dhashay. Dhawaaqii Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen uu ku dhawaaqay inuu si rasmiya ugu biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

intii ay xafladu socotay .waxaa khadka Telefoonka uga qayb galay Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Md Maxamed Kaahin Axmedoo soo dhaweeyey Tageerayaashaku soo biiray , sheegayna inuu aqoona gaara u leeyahay . waa sida uu hadlka u dhigaye . isla-markaanacadeeyey inay cudud iyo caqli ku soo biirinayaan Xisbiga Kulmiye.Sidoo kale Hogaamiyihii Tageerayaasha Cusub ee maanta ku soo biiray Kulmiye Mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa isagunaHambalyeey xafladda Loo Qabtay Tageerayaashiisa Badan ee Ku Soo Biiray Xisbiga Kulmiye Laanta Birmingham kuna hambalyey go.aanka ay la qateen. waxa ka mid ahaa hadaladiisii ”Aad baan idiinku faraxsahay marhadii aad nagu soo biirteen .oo aadila qaadateen go.aankaygii.

Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa La-Taliyaha Arimaha Debadda ee Madaxweynaha JSL . Md. Abdo Aayir. La-Taliya Madaxtooyadda Md.Maxmuud Raage . Siyaasi Xasan Meygaag . Siyaasi Muuse Askar oo sheegay in Horseedka Kulmiye yahay .Masuulla hubo oo la Tijaabiyey.waxaa kaloo ka hadlay. Siyaasiga da,da yaree Maxmed Suufi iyo Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Kulmiye Md. Adan Xasan Madoobe.
Si kastaba ha ahaatee-Taageerayaashan Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen ayaa noqonaaya kuwii ugu badnaa ee ku soobiira Xisbiga Kulmiye Uk.:dadka siyaasadda odorosaa ayaa si weyn u hadal-hayey bilihii la soo dhaafay Tageerayaasha Jamaal Cali Xuseen.taasi oo wax weyn ka badashay muuqaalkii siyaasadeed ee tartanka sadaasha doorashada xisbiyada dalka . isla-markaana ay awood gaara siisay xisbiga Kulmiye oo isu diyaarinaya doorashooyinka soo socda ee dalka laga filayo in ay ka qab-soonto dabayaaqadda sannadkan oo dhowr bilood inaga xigaan.
Geba-gebaddii:- Daruurtii Xisbiga Kulmiye uga Hoortay Gobolka Saaxil oo Maanta ka hilaacday Magaaladda Birmingham Uk. Xogaha ku saabsan tageerayaasha ku soo biiray kulmiye:- ayaa ahaa wadnihii iyo Mishiinkii dhaqaajinaysay ama marawaxaddii dhisaaysay,Aqoonyahan Jamaal cali xuseen si kalena Kuwiiugu xooga badnaa , waxaanay arintaasi soo kordhisay dareen kale iyo saamayn siyaasadeed ,islamarkaana uu taageero badan ku helayo xisbiga kulmiye.
Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa : Qeybaha warbaahinta madaxa banaan iyo weliba Tvga qaranka ee Dawladda Somaliland

Xafladda ayaa la soo geba-gebeeyay Abaaro 18:35Pm waxaanay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo farxad laga dheehanayay dadkii goobta iskugu yimi dhamaantood.

Allah Mahad leh.

Adan Yusuf Elmi

B.ham.UK