Ciidamada Booliska Somaliland Oo Hawl Gallo Adag Oo Ay Sameeyeen Kusoo Qabqabtay Rag Looga Shakisan Yahey Daacish Iyo Al-shabaab Oo Kasoo Kacitimay Muqdisho

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland hawl gallo adag oo ay sameeyeen kadib ay kusoo qabqabteen rag lagu tuhunsan yahay inay kamid yihiin Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Somaliya.

Raggan ay ciidamadu soo qabqabteen ayaa waxa la sheegay in ay dhawaan kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa iyaga oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho,waxaana tirada raggan ay ciidamadu qabqabteen naloogu sheegay Lix nin kuwaas oo ay ciidamadu maalmihii u danbeeyeyba ku raad joogeen intaasi ka dibna ay ciidamadu ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan.

Waxaana Lixdan nin lagu qabqabtay degmada Ibraahin Koodbuur ee caasimada Hargeysa halkaas oo ninkii ugu horeeyey lagu qabtay masaajidka Mulac,halka kuwa kalena lagu qabqabtay guryihii ay ku  jireen ee ay kusoo dageen.

Dhacdadan oo ahayd shalay galinkii danbe Ayaan ilaa hadda xukuumadda Somaliland iyo Taliska ciidanka Booliska Somaliland midkoodna ka hadal,balse hawl galladan ay ciidamadu samaynayeen ayaa laga dareemayey degmada Ibraahin Koodbuur.

Dhawaan ayay ahayd kadib markii ay Kooxda Alshabaab warbaahinta hanjabaado usoo marisay Somaliland,iyaga oo ka tixraacaya gabdho Qurbo-joog ah oo ay dhawaan xukuumadda Somaliland u gacan galisay afar dal oo ay dhalashadooda haysteen hablahani,kuwaas oo kala ahaa dalalka Ingiriiska,Maraykanka Denmarka isla markaana laga kaxeeyey caasimada Hargeysa oo ay dhaqan celin loo keenay dibna loogu celiyey dalalkii ay ka yimaadeen iyaga oo ay hareero socdaan xubno ajaanib ah.

Gabagabadiina ciidamada Booliska Somaliland ayaa ilaa xalay hawl gallo adag ka waday gudaha Caasimada Hargeysa,waxaana la arkayey ciidamo tiro badan oo gaafwareegaya gudaha iyo xaafadaha magaalada Hargeysa,balse ciidamada ayaa mar kaste heegan ugu jira siday u ilaalin lahaayeen amaanka guud ee Somaliland.

Log11