DAAWO:Madaxweynaha JSL oo maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray mashruuca horumarinta Dekeda Berbera ee shirkadda DP World ee lagu cashriyaynayo marsada caalamiga ah ee Berbera + SAWIRO.

Berbera:(GNN) Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay munaasibadda ay shirkada DP World ku horumarinaysa dekedda Berbera ayaa waxaa kala qayb galay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrasshaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faro-toon), Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo saraakiisha ugu sarraysa shirkadda la wareegtay dekedda Berbera ee DP World, Saraakiil sar sare oo ka socotay dawladda qaarka mid ah dowladaha Jaarka ah , marti-sharaf iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Munaasibadda lagu daahfurayey mashruuca horumarinta dekeda Berbera ee DP World Berbera oo lagu qabtay gudaha dekedda weyn ee dekedda Berbera, ayaa waxa hadallo ku saabsan muhiimadda uu maalgashigu u leeyahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka jeediyey agaasimaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DPWorld Md. Suldan Axmed Bin Sulayman, waxana uu shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay in dib u habaynta iyo casriyeynta lagu samayn doono Dekedda Berbera door laxaad leh ka qaadan doonto dhaqaalaha waddanka iyo weliba soo jiidashada bucshurudaha kala duwan ee dunida, isaga oo madaxweynahana Iyo Xukumadiisa uga mahadnaqay sida uu ugu dhiirradeen go’aanka maalgashiga loogu samaynayo dekedda Berbera.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay sida ay Somaliland uga go’an tahay inay soo jiidato maalgashadayaal caalami ah, isla markaana mashruuca DP World Berbera uu yahay tallaabo horumarineed oo ay xukuumadda KULMIYE qaadday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mashruucan si rasmi ah u furay, ayaa u mahadnaqay shirkadda DP World iyo dowlada imaraatkaadka , isaga oo tilmaamay inuu mar walba maanka ku hayo sidii mashaariic waa weyn oo maalgelineed dalka looga hirgelin lahaa, isla markaan uu soo dhaweynayo fursad kasta oo danta dalka iyo dadkuba ku jirto.
Dekedda Berbera, ayaa ku biiraysa dekedo badan oo adduunka kamid ah, kuwaas oo ay si rasmi ah u maamusho shirkadda reer Imaaraad ee DP World, waxana horumarin ballaadhan lagu samayn doonaa marsada caalamiga ah ee Berbera.

Image may contain: 4 people, people standingImage may contain: 2 peopleImage may contain: one or more peopleImage may contain: 1 person, standing and on stageImage may contain: 14 peopleImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: 7 people, people sittingImage may contain: 15 peopleImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 1 personImage may contain: 16 people, suitImage may contain: one or more people, people sitting and suitImage may contain: 1 person, standing