DAAWO SAWIRADA:Xisbiga Kulmiye oo kulan soo dhaweyna u sameeyay taageerayaal uu hoggaaminayo siyaasiga caanka ah ee Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh)

Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan ku qaabilay taageerayaal baaxad leh oo uu hoggaaminayo siyaasiga caanka ah ee Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo hore uga tirsanaa xisbiga WADDANI.
Xaflad bilicsan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ee maanta, kana qaybgaleen hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiga Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ay wehelinayeen boqolaal taageerayaashiisii ah, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey midowga xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo taageerayaashan cusub.

Gabiley.Net
Exit mobile version