Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Kulan Ballaadhan oo Haweenwaynaha degmada Axmed Dhagax ku Taageereen Xisbiga

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay kulan ballaadhan oo haweenwaynaha degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa taageero ugu muujiyeen xisbal-xaakimka Somaliland iyo sidii ay hoggaaminta dalka ugu dooran lahaayeen murrashaxiisa.
Kulanka oo ka qabsoomay hoolka shirarka xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka sakow Guddoomiyaha xisbiga ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Beeraha – Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) iyo Maxamed Aw Daahir, Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Garabka Haweenka Heer Qaran, masuuliyiin ka socday qaar ka mid ah laamaha xisbiga ee degmooyinka caasimadda iyo haween fara badan.

18222263_412906415739750_3714318484272768976_n 18268227_412906265739765_7417256591491217205_n 18268343_412906925739699_9089725431445759593_n 18274944_412906929073032_2293475518327081643_n 18275165_412906705739721_994139685361924590_n 18300821_412906922406366_9200554847497701196_n 18301349_412906409073084_194070372511009889_n18301247_412906709073054_6640790012533510390_n 18301624_412906712406387_8541375059050357427_n 18301969_412906412406417_3305912158643313362_n 18221603_412907302406328_5460001207177462513_n 18274795_412907349072990_4315358110634789687_n 18274944_412906929073032_2293475518327081643_n 18275141_412907209073004_5233089390149135297_n 18275165_412906705739721_994139685361924590_n 18301760_412907205739671_3970310367464803867_n
Xubno u hadlayey haweenka oo khubado ka jeediyey madashu ayaa isku raacay in ay taageero hiil iyo hooba ah la barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi oo ay ka soo wada jeedaan Gobolka Hawd, isla markaana iyagoo horeba dadaal iyo xoog badan u galiyey xisbiga KULMIYE aanay jirin meel kale oo ay kaga doorsadaan.
Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo wasiirrada ka qaybgalay kulanka, ayaa iyaguna si diiran u soo dhaweeyey haweenka oo ay ku tilmaameen inay yihiin miisaan culus oo muhiimad wayn u leh baaxadda taageerada xisbiga KULMIYE, waxaanay uga mahadceliyeen ballanqaadka taageerada xoogga iyo xoolahaba leh ee ay u sameeyeen xisbiga iyo murrashaxiisaba.