Gudoomiyaha ururka sariflayaasha caasimada hargaysa yaa ka dayriyay kor u kaca sarifka lacagta baaqna u diray xukuumada somaliland

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha ururka sariflayaasha caasimada hargaysa axmed xasan mataan (AWLIYO) Oo aanu la xidhiidhnay yaa sheegay in kor u kaca sarifku marayo halkii ugu saraysay abid oo halka dolar lagu sarifayo 9500shsl, waxaa uu ugu baaqay xukuumada in loobaahan yahay gurmad degdega inta aanay xaaladu faraha ka bixin, gudoomiyaha intaa ku daray inay ka wararsanyihiin in hadii sarifka dolarku halkaa dhaafo uu dhaawacayo horumarka dalkeena saamayna ku yeelan karo bulshada qaybaheeda kala duwan, gudoomiyaha sariflayaasha hargaysa waxaa uu baaqdheer u diray xukuumada somaliland isgoo ugu baaqay in ay la timaado isbadal lagu xakamaynayo sabaynta sicirka lacagta dolarka islamarkaana ay urur ahaan dedaal badan u galeen sidii halkiisa loogu ilaalin lahaa kor u kaca sarifka dolar dadka u dhuun daloola arimaha sarifka lacagaha qalaad ayaa sheegay in kor u kaca sarifka ay sabab u tahay 1.in shirkadaha qaadka ka soo waarida dalka ethopia oo waxtigii hore qaadka ku soo gadan jiray lacagta birta ay wakhtigan qaadka ku soo iibsadan lacagta dolarka taasina ay sababtahay in lacago malaayiin dolar ay dalka ka baxdo taasina ay sasabtay in lacagtii suuqa wareegaysay yaraato 2.arainta labaad ee loo aanaynayo kor u kaca ku yimid sarifka dolarka iyo hoos u dhaca shilinka somaliland dhoofkii xoolaha oo istaagay 3.isticmaalka shilinka somaliland oo yaraaday kadib markii bulshu ku bixiyaan kharashaadkooda lacagta dolarka arintaasina keentay qiima dhac ku yimaada lagacta somaliland 4.xukuumada oo sanad walba soo daabacda lagacta shilinka somaliland oo ku soo daysay suuqyada taasina ay sababtay in shilinka somaliland qiima dhac wayni ku yimaado 5.isticmaalka lacagaha la isku diro ee shirkadaha is gaadh siinta oo qiima dhac ku keenay shilinka somaliland gabagabadii dhawaaqa iyo qayla dhaanta ka soo yeedhaysa ururka sariflayaasha caasimada hargaysa ayaa ku soo beegmaysa xili sarifkii doolarku cirka isku sii shareerayo fariintana ay uga gol leeyihiin in aan iyaga loo arag kuwo qayb ka ah kor u kaca sarifka balse loo baahan yahay gurmad qaran