Akhri:Kulan Sadex Geesood ah oo ay Madaxtooyada SL Ku Yeesheen Xubno Ka Mida Golaha Wasiirada, Guddida Taakulaynta Abaarta Iyo Ururada Bulshada Rayidka ah + SAWIRO

Kulan saacado badan qaatay oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland ujeedadiisuna ahayd sidii laysula meel dhigi lahaa xuska 18-may 2017 iyo qaadhaan ururin loo sameeyo bulshada reer somaliland ee abaaruhu sameeyeen oo ay wada yeesheen xubno ka mida golaha wasiirada, guddida taakulaynta abaaraha iyo ururada bulshada rayidka ah.

Kulankaa saddex geesoodka ah oo lagu lafo guray sidii laysaga kaashan lahaa shacbi iyo xukuumadba laysuna waafajin lahaa sanad guurada 27aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ku beegan 18-May-1991-kii, oo wakhtigan oo kalena laga xuso guud ahaan Somaliland iyo meel kasta oo ay joogaan muwaadiniinta reer Somaliland, balse sanadkan uu madaxweynaha qaranka Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ka dareen celinaya xaalada dalku ku sugan yahay ee abaarta baahsan awgeed uu amray in loo bedelo mid qadhaan ururin ah oo dalka gudihiisa iyo dibediisaba xil weyn la iska saaro sidii loo samato bixin lahaa dadka abaartu saamaysay ee haraadka iyo gaajadu haleeleen, xoolihiina ay ka dhamaadeen.

Waxaana kulankan oo ahaa mid hor dhac ah lagu soo qaaday sidii xukuumada, ganacsatada, ururada bulshada, warbaahinta, shirkadaha, qurba-joogta, iyo shacbiga weynuhu ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen taakulaynta iyo gargaarka shacbiga la tiicaya xaalada abaareed iyo Xanuunada, mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaa gobolada dalka qaar ka mid ah.

Xafiiska Afhayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Image may contain: 1 person, sitting and tableImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, beard and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

Log1

error: Content is protected !!