Maayerka Caasimada Cabdiraxmaan SOLTELCO Oo Xaraashay Dhulkii Injida Hargeysa ,Xildhibaano Ka Gilgishay Musuqmasaqa iyo Lacagtii oo Qasnad Qarsoon Ku Dhacdey

Maayerka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid (SOLTELCO) ayaa xaraashay dhulkii injida magaalda hargeysa. Maayerka ayaa si qarsoodiya u iibiyey dhulkii danta guud ee INJIDA hargeysa isagoo maayerku ka iibiyey ganacsadaha ina afdiinle isla markaana ka siiyey lacag xadi badan oo lagu qiyaasay 800,000. sideed Boqol Oo Kun Oo DollarIlo xogogaala ayaa sheegaya in maayerka oo kaashanaya dilaaliin udhego nugul inay nashqadeeyeen shax dabin ah oo ay ugu talo galeen inan cidna ogaan inay jaxaasteen maaliyadii ay ku xaraasheen dhulkii injida.

Dhulkan injida ayaa maayerkii hore ee caasimada cawl Cilmi Cabdalle heshiis kirro kula galay ganacsadde Maxamed Ismaaciil Tarabi heshiiskaas oo udhignaa in muddo shan iyo tobbon sanno ah laga kireeyo ganacsadaha kor ku xusan in lagaga kireeyo hal malyan oo shilin bishii, isla markaana ganacsaduhu qadimo lacagta tobbanka sanno ee hore isla mar ahaantaana bixiyo Boqol Iyo Labaatan Milyan oo kaliya. Sidoo kale waxaa ganacsadeha heshiiska lagula galay in shanta sanno ee hadhay uu ku dayactirro bakhaarka . heshiiska oo bilaabmay 1oct/20001 kuna dhici doona 1/oct/2016. Heshiiskaas oo hore u saxeexay maayer cawl Cilmi Cabdalle iyo Maayer ku xigeenkii waxkhtigaa Maxamed axmed Caalin (TIMBARO) iyo Xoghayaha wakhtiiga .

balse waxaa dhamaadkii kirada ka faa,ideystay oo si dhuumasho ah u iibiyey maayer soltelco oo kaashanaya dilaalin daacad u ah waxaana damaca maayerku sabab unoqdey in ay ka gadoodaan xildhibaanada ugu badan golaha deegaanka caasimada kuwaas oo ka horyimi in maayerku xaraasho dhulkii injida caasimada.

Lacagtan oo ku dhacday qasnad u gaar ah maayer cabdiraxmaan soltelco oo ku jaxaasto hantida ummada ayaa coladh yar oo dilalnimo utuuray xubno masuuliyiin ah oo kala shaqeeyey inuu xaraasho bakhaarkii injida.

Xildhibaano gadoodsan oo farahooda dufanka dilaalku duugin ayaa ka badheedhay isla markaana qaawiyey boobkii soltelco ku boobay baradii injida waxaanay codsadeen in la cadeeyo halka ay martay lacagtaasi isla markaana iibka dhulkaa loo soo marro hab sharci ah.

Falkan dhiig-bax ah ee maayerku lacagta kaashka ah kaga tirsadey ganacsadde ina afdiinle ayaa ah mid lagaga faa,ideysanayo wakhtiga kala guurka ee lagu jirro.

Waxaana soo ifbaxaya falal isbiirsadey oo taxane unoqdey in maayer SOLTELCO ku dhiirado inuu malafsaddo dhulka hantida ummada ah isagoo hore dhuumasho dhabarku muuqo u xaraashay dhulkii danta guud isla markaana u gacan dhaafay dawlada dhexe oo iyadu masuulka ah dhulka dalka.

Dhawaaqa xildhibaanada gadooday ayaa umuuda mid toosh ku soo jeediya hanti dhawrka guud iyo komishanka maamul wanaaga iyo Musuq-Maasuqa taas oo sabab unoqon doonta inay ku dhiiradaan hadalkii madaxweyne siilaanyo ku amray in ila ilaaliyo wakhtiga kala guurka hantida ummada.

Hoos ka Akhri Warqadda lagu kireeyay wakhtiiga hore iyo warqadi codsiiga xildhibaanada Goolaha Degaanka Hargeysa ku dalbaden kalfadhi aan caadi ahayn si ay ula xisaabtamaan maayerka oo ay geeyaan wasaarada arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka maroodijeex.


Log11