Maxbuuskii Afraad Oo U Geeriyooday Xanuunka Shuban Biyoodka Jeelka Burco Iyo Xaalada Shuban Biyoodka Ee Jeelkaas Oo 35 Qof Oo Kale Asiibay

Burco(GNN):-May.30,2017-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Gabiley News  ayaa waxay sheegayaan In xaaladda magaalada Burco ay wakhti xaadirkan marayso meel adag oo u baahan in loo gurmado,waxaana maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraya dadka uu soo ridanayo xanuunka Shuban Biyoodka oo mudooyinkii u danbeeyey faro baas ku hayey deegaanada gobolka Togdheer.

Waxaana xanuunkan Shuban Biyoodka ah sida ay Ramaasnews loo sheegay uu isku soo taraya si xawli ah isaga oo dadka uu haleelayo xanuunkanina ay u badan yihiin waayeel iyo caruur kuwaas oo xanuunkan ay u dheer tahay nafaqo darro.

Xanuunkan Shuban Biyoodka ayaa waxa hadda u jiifa goobaha caafimaadka magaalada Burco dad tiraddoodu dhan tahay 2736 (Laba Kun Todoba Boqol Iyo Lix Iyo Sodon) Qof oo aanay ku jirin dadka iyagu aan wali soo gaadhin goobaha caafimaad ee jiifa guryaha magaalada Burco,sidoo kalena waxa xanuunkan Shuban Biyoodka u geeriyooday sida naloo sheegay  34 qof,wallow ay warar is khilaafsan kasoo baxayaan oo ay sheegayaan in tirada dadka u dhimatay xanuunkan ay ka badan yihiin halka ay wararka kalena sheegayaan inay ka yar yihiin laakiin xogaha ayaa waxay iftiimiyeen in tirada u dhimatay xanuunkan ay tahay ilaa hadda 34 qof oo qofkii  ugu danbeeyey uu yahay Ilmo yar oo hadda ku geeriyooday cusbitaalka magaalada Burco.

Sidoo kalena waxa xanuunkan Shuban Biyoodka ugu dhex geeriyooday jeelka wayn ee magaalada Burco maxbuuskii Afaraad ee xukunaa kaas oo sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta jeelka wayn ee magaalada Burco uu geeriyooday xalay,waxaana sidoo kale xanuunkan u jiifa maxaabiis kor u dhaafaya 50 Maxbuus oo kamid ah maxaabiista ku xidhan jeelka iyo askar ka tirsan ciidanka Asluubta ee jeelka wayn ilaaliya.

Xanuunkan Shuban Biyoodka ayaa waxa isa soo taraya marba marka ka danbeysa dadka uu soo ridanayo oo u  badan sidaan horeba idinku soo sheegnay caruur iyo waayeel iskugu jira odayaal iyo haween,waxaana dhakhaatiirta cusbitaalka magaalada Burco,kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo waliba hay’addaha caafimaadka ka shaqeeya ee ka hawl gala magaalada Burco-ba ay ku hawlan yihiin sidii ay ula tacaali lahaayeen xaaladda caafimaad ee dadkan uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku oo xaaladooda caafimaad adag tahay.

Sidoo kalena waxa iyaguna jira dad u jiifa xanuunkan Shuban Biyoodka guryaha magaalada Burco iyo deegaanada gobolka Togdheer kuwaas oo la ildaran xanuunkan una baahan gurmad deg deg ah,waxaana xaaladda magaalada Burco ay tahay wakhti xaadirkan mid adag oo la daalaa dhacaysa xanuunka Shuban Biyoodka.