Somaliland Oo Maamulka Xamar Ku Eedaysay Inay Ka Cago-Jiidayaan Hirgelinta Heshiisyadii Maamulka Hawadda Ee Turkiga Lagu Gaadhay

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa ku eedaysay maamulka Xamar ee Soomaaliya in ay ka cago-jiidayaan hirgelinta heshiisyadii dhinaca maamulka hawadda ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Turkiga.

Waxaanay Somaliland ku dooday   in  hay’adda qarrammada midoobay ee ICAO oo muddo 26 sannadood ah maamulaysay hawadda Somaliland iyo Soomaaliya ay ka faa’iidaysanayso is qab-qabsiga iyo kala  socodka labadda dhinac.

Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland,  Farxaan Aadan Haybe, oo shalay u waramy BBC   isagoo joogay dalka Singapore  oo uu  kaga qaybgalay shir  lagu soo bandhigay farsamadda duulista diyaaradaha iyo dayactirka madaarrada, sida nalalka lagu xidho garoomadda ee diyaaraduhu bidhaansadaan xiliyada habeenkii  markay fadhiisanayaan iyo maamulka hagista diyaaradaha.

Waxaanu   Wasiirku   soo jeediyay   in sida keliya ee mar kale dib loogu hanan karro maamulka hawadda Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay in ay heshiis buuxa  ay ka wada gaadhaan labadda dhinaca.  “Annagu   (Somaliland) mar walba waxaanu  ku dedaalaynaa  sidii ay wada hadaladii iyo waxyaabihii aanu doonaynay in wada hadalo fiican laga gallo maamulka Soomaaliya ee la xidhiidha mamulka hawadda Somaliland iyo Soomaaliyaba ee  si  fiican ugu cuntami lahayd labada dhinac-ba.

“Waxaa khasab nagu ah in aanu xal kale baadi doono, oo aanu tallaabo kasta iyo tab kastaba u samayno sidii aanu u heli lahayn nidaam noo suurtogeliya sidii aanu dib gacanta ugu dhigi lahayn maamulka hawadayada,” ayuu yidhi Wasiir Farxaan.

Farxaan Aadan Haybe, ayaa  carabka ku adkeeyay in haddii Somaliland iyo Soomaaliya ay heeshiis   rasmi ah ka gaadhaan inay wada maamushaan hawadooda ay kala soo wareegi karaan ECOA, isagoo    xusay in maamulka Xamar ay arrintaasi  war-wareegayaan, isla markaana marba maamulka cusub ee yimaadaa ay qorshe cusub la mimanayaan.

 

Isagoo  arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Somaliland ahaan diyaar ayaanu u nahay in aanu Soomaaliya ka wada hadalno maamulka hawadda, oo uu weliba guulaysto. Laakiin, waxaad moodaa in maamulka Soomaaliya qoladii cusub ee marba timaadaa ay  kitaab (qorshe)  cusub iyo meel cusub  wax ka bilaabayan. Haddii  ay tixraaci lahaayeen wada  hadaladii Istanbul iyo Istanbul 2 iyo kii Ankara lagu galay, waxaa  qudha ee laga wareejin karaa ICAO markay Soomaalidu ku   heshiiso inay maamulato hawadeeda, taa la’aanteeda sinaba kuma suurtogelayso in dib cid kale u qaadato maamulka hawadda Soomaaliya”.

 

Dhinaca kale dhawaan ayaa waxa soo baxay warar sheegaya  in qaramadda midoobay ay  waddo qorshe ay ku doonayso in maamulka hawadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu wareejo wadamo shisheeye oo ay ka mid yihiin Hindiya iyo Sishilis.

Hase yeeshee wasiirka duulista Somaliland ayaa ku tilmaamay in waxyaabahaasi ay sababtay diidmadda Soomaaliya, taasina lagaga guulaysan karro iyadoo Somaliland iyo Soomaaliya ay miis isugu yimaadaan.  “Markaa halka ay Soomaaliya ka baadhayaan in iyagu (Soomaaliya)  kolba ICAO culays saaraan, waxay iska indho tirayaan in aanu anagu miis isugu  nimaadno. Waxaananu codaynaynaa ilaa hadda in Somaliland ay diyaar u tahay in laga wadda hadlo maamulka hawadda qorshe wanaagsan laga yeesho”

ICAO, waxay ka faa’iidaysanaysaa is-qab-qabsiga iyo kala socodka Soomaalida, si aynu uga hanano oo aanu u helno dakhligeena, waxaanu diyaar u nahay  in wixii si fiican loo qaybsado, waxaanu diyaar u nahay miiska wada hadalka la isugu yimaado, taasina waxay ku xidhan thaay oo ka sii jeeda xukuumadda hadda ee uu madaxweynaha ka yahay farmaajo”ayuu yidhi wasiirka duulista Somaliland.

 

Waxa kaloo uu wasiirku  sheegay in  safarkiisa uu ku jooga Singapore uu ka danbeeyay   martiqaad ay  ka heleen xarunta academi-ga  ee maamusha hawadda dalka Singapore. isagoo sharaxad ka bixinayay ujedadda shirkaasi, waxa uu yidhi “Waxaanu Singapore u nimid martiqaad aanu ka helnay xarunta ugu weyn  academiga mamusha ama ka shaqaysa hawada ee dalka Singapore. Waxa kale oo aanu u nimid shirkad la yidhaahdo  HP Engineering oo aanu xidhiidh lahayn oo ka shaqeeya sameeya qalabka hawadda iyo maamulka madaaradda iyo amniga iyo xagga, hawadaba, oo injiineero ka mid ahio oo ay beri hore Hargeysa noogu yimaadeen”

“Waxa uu ku saabsanaa kulankayagu in aanu si anba-qaadno xidhiidhkayagii iyo in aanu ka hwada hadalno suurtogalnimada in aanu tayayno adeegyadda madaarada dalka Jamhuuriayda Somalilandiyo wixii fursado tababar ah ee aanu u heli karayno shaqalahayaga, iyadoo qolada academiga ay xidhiidh fiican leeyihiin hay’ada ICAO.”

“Soomaaliya  qoladii cusub ee marba timaadaa ayaa   kitaab    cusub iyo meel cusub  wax ka bilaabaya”

Wasiirka duulista Somaliland

 

Xigasho Wargeyska Dawan.