Telefeeshin Laga Leeyahay Dalka Denmark Oo Warbixin Ka Diyaariyey Hablihii Laga Qabtay Madarasada Hargeysa Iyo Mid Kamid Ah Oo Sheegtay In Dhaawacyo Loo Gaystay

Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Yaasmiin Cismaan degenna dalka Denmark ahna 18 jir waxa warbixinteeda todobaadkan laga sii daayey telefeeshinka TV2 la yidhaahdo ee dalka Denmark oo ah telefeeshinka Labaad ee dalkaasi ugu weyn,waxaanay sheegtay inay 14 maalmood oo madarasada laga soo qabtay lagu hayey oo ay katiinad ku xidhnayd.Yaasmiin oo muuqaalo iska duubtay lagana sii daayey telefeeshinka waxay sheegtay inay ka baxsatay iskuulkaas kadibna ay la xidhiidhay safaaradda Denmark iyada oo markaas waxii ka danbeeyey dawlada Somaliland lagu qanciyey inay fuliyaan hawlgalkii habalaha madarasada lagala soo baxay.

“Xadhig ayaa Layla dhacay iskoobaha dhulka lagu xaadho ayaa Layla dhacay,nabaro badan ayaana igu yaala,15 nabar ayaa igaga yaala jidhka oo ah waxii Layla dhacayey”ayey tidhi Yaasmiin oo kamid ah hablihii Madarasada Hargeysa laga kaxaystay isla markaana uu telefeeshinku sheegay inay ku kortay magaalada Vejle ee Denmark hadda se joogta Maraykanka,waxaanu telefeeshinku soo bandhigay muuqaalo muujinaya nabaro ku yaalay jidhkeeda oo ay sheegtay inay yihiin waxyaalihii lala dhacayey intii ay madarasada ku jirtay.

Yaasmiin Cismaan waxay sheegtay inay Lix bilood ku jirtay madarasada ,iyada oo xustay inay ka baxsatay markii ay 14 cisho katiinad ku xidhnayd,telefeeshinku waxa uu xusay in qaar kamid ah waalidiinta hablaha haystay dhalashada Denmark ee ay Yaasmiin kamid tahay ay cabasho kasii daayeen telefeeshino maxali ah oo Somaliland laga leeyahay iyaga oo  sheegay in Booliisku caruurtoodii ka saareen dalka.

Wasiirka Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadare oo isna uu telefeeshinkani soo xigtay ayaa yidhi

“Waxan waa wax aad u xun waana wax bini’aadamnimada ka baxsan in caruur sida loo galo amaba loola dhaqmo”sidaas ayuu yidhi wasiir Cadare .

Telefeeshinka TV2 waxa uu waraystay haweenay ka shaqaysa arrimaha Bulshada oo tilmaamtay suurogalnimada in hay’addaha Sharciga Denmark beegsadaan waalidiinta gabdhahan dhalay,waxaana gacanta ku haya ciidamada booliska oo baadhaya.

Ugu danbayn waxa uu telefeeshinku warbixintan laga sii daayey ku sheegay in madarasadaas hablaha laga soo qabtay ee ku yaala magaalada Hargeysa ay dawlada Somaliland albaabada u laabtay oo ay xidhay.

HALKAN GUJI SI ADU DAAWATO BARNAALIJKAN