Afhayeen Xuseen Deyr Oo Isbarbar Dhigay Waaya Aragnimada Siyaasadeed Ee Muuse Biixi Iyo Donald Trump, Kana Hadlay Cabashada Culimada.

Hargeisa(GNN):-Afhayeenka madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige(Deyr) ayaa ka hadlay awooda uu leeyahay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo cabashada ay qabaan qaar ka mid ah culimada dalku.

Afhayeen Xuseen Deyr ooka waramaya isbadalada siyaasada ee dhawrkii bilood ee u dambeeyey ka dhacay aduunka, ayaa waxa uu ka waramay waaya aragnimada uu leeyahay murashaxa xisbiga Kulmiy, isaga oo barbar dhigay madaxweyne Donald Trump.

Ugu horayn Afhayeen Xuseen Deyr oo ka hadlaya isbadalada siyaasada dunida ayaa waxa uu yidhi “Dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey dunida waxa ka dhacay isbadalo siyaasadeed  iyo isbadalo kale oo saamayn ku leh qaabka ay siyaasada aduunku u socoto, maraykanka waxa
ku tartamayey hillary Clinton oo ahayd gabadh aad u waaya arag ah  oo ka tirsanayd xisbiga dimuqraadiga, wasiirkii arimaha dibadana u ahayd Obama loona badinayey inay ku guulaysato doorashada balse Donald Trump oo ah madaxweynaha hada oo  aan cidina filayn ayaa soo baxay, dhinaca faransiiska waxa ka jiray  xisbiyada Socialist iyo Republican  oo ilaa dagaalkii labaad ee aduunka xukumayey dalkaas waxaana ka guulaystay xisbi kale oo nin dhalinyaro ahi hogaaminayey oo aan kuraasi badan ku lahayn baarlamaanka, dad aqoon u leh nidaamka siyaasaduna aanay ku jirin.”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr oo u waramay Saabtv.

Sidoo kale afhayeen Xuseen Deyr oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sidaas daraadeed xisbiga Kulmiye waa xisbi leh nidaam adag oo lugo adag ku taagan,  murashaxiisuna waa nin waaya aragnimo leh, waxaanan odhan karaa kaftan ahaana hayga ahaatee Murashax Muuse Biixi wuu ka waaya aragsan yahay Donald Trump dhinaca siyaasada.”

Sidoo kale afhayeenka madaxtooyadu waxa uu ka hadlay cabashada ay qabaan qaar ka mid ah culimadu dalku, kuwaas oo saluugsan guddida culimada ee uu magacaabay madaxweyne Siilaanyo  waxaanu mar kale yidhi “Madaxweynuhu markii uu magacaabayey guddidan culimada isaga ayaa awooda magacaabida leh, cabashada ay culimada qaarkeed u gudbiyeen gudoomiyaha golaha guurtidana waxaan filayaa inay oday ahaan iyo waaya aragnimo ahaan ugu gudbiyeen, culimada cabanaysaa wixii cabasho ah ee ay qabaan madaxweynaha iyo xukuumadiisu waa u diyaar in laga qanciyo oo loo caqli celiyo loona sheego sida uu nidaamku yahay,  waxyaabaha ay somaliland ku faanto ayey ka mid tahay inaanay jirin culimo iska soo horjeedaa, halaaga iyo mashaakilka ka imanaya marka ay culimadu iska soo horjeedo tusaalaheeda  meel dheer ka dooni maynee dariskeena ayaa inoogu filan,sidaas daraadeed culimada somaliland wax ayuunbay wada doonayaan oo ah in dalkeenu wada hagaago, inaynu diinteenu suuban si fiican ugu dhaqano, in dadka akhlaaqiyaadka diinta lagu barbaariyo.”

Sidoo kale waxa uu ka waramay qaabka loo magacaabay guddidan culimada ah “Culimadan la magacaabay maaha awood iyo kursi laysku muquuninayo, culimadana ninka u gudoomiyaha ahi waa ninka waaya araga ah ee sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo dadkii uu wax soo baray kuwii ay sii bareen ayaa mufti ah oo dalka jooga, sidaas daraadeed culimada badhna lagama tagin badhna lama soo qaadan, eexna laguma soo qaadan siyaasadna laguma soo qaadan, dhaqaalana laguma soo qaadan, reerna laguma soo qaadan.”

 

Exit mobile version