Awdal-Xanuunka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaay Tirada Dadka u Dhintay Oo Maraysa 6 Qof Halka Ay U Jiifaan 766 Qof.

“766 Qof ayaa u jiifa Xannuunkan inta goobaha Caafimaadka la keenay” Saraakiisha Caafimaadka iyo Maamulka gobolka oo qaylo-dhaan ka soo saaray…

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Awdal

Boorama(GNN)-Saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Awdal ayaa xaqiijiyey in ugu lix qof ugu dhinteen xannuunka Shuban-biyoodka in ka badan todoba boqol oo kalena u soo dhaceen,  labadii maalmood ee u dambeeyey.

Sidan waxay ka sheegeen kulan ay Axaddii isugu yimaadeen Maamulka Gobolka iyo madaxda laamaha Caafimaadku,kaasoo lagaga dhawaaqay in xaalada shuban-biyoodku inay meel aad u saraysa marayso.

Shir-jaraa’id oo ay qabteen Madaxda laamaha dawladda ee Gobolku, ayey ku sheegeen in baaxada xannuunka iyo awoodda laamaha Caafimaadka ee Gobolku aad u kala badan yihiin.

Halkan ka daawo:

Cudurka ayaa bilihii la soo dhaafay mar lagu arkay Magaalada Boorama iyo deegaamo ku dhadhow, balse aad ayuu uga hooseeyey heerkan iminka.

dhinaca kalena, Magaalada Burco ayaa lagu soo waramayaa in tirada dadka uu soo riday kor u kacday, isla markaana dhimasho soo korodhay.

Cudurka Shuban-biyoodka oo sida laga warqabo ka dilaacay deegaamo badan oo kamida Geeska Afrika, ayaa Somaliland aad ugu faafay ilaa Bishii May ee la soo dhaafay.