Cali Khaliif Galaydh Oo Markale Dib Ugu Soo Noqday Caasimada Hargeysa Iyo Masuuliyiin Saaka Kusoo Dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha +Sawiro

Prof Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa una sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saaka mar kale dib uga soo dagay gagida diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airpot.

Waxaana horjooge Cali Khaliif Galaydh goobtaasi kusoo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo xubno kamid ah guddiga Somaliland uga qayb galay wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Cali Khaliif Galaydh oo kasoo noqday dalka Kenya ayaa la filayaa inuu maalmo kooban joogo magaalada Hargeysa isla markaana uu kulamo kala duwan la qaato madaxwaynaha Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo axsaabta Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh ayaa doorkii hore ee uu socdaalka kadiska ah ku yimi magaalada Hargeysa waxa uu waraysi laga qaaday ku sheegay in uu dib ugu soo noqonayo magaalada Hargeysa isaga oo saakana soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

1234