Ciidamada Dab-damiska Oo Hawl-gallo Gurmad Dab Bakhtiin Ah Ka Fuliyey Goobo Kala Duwan Oo Caasimada Hargeysa Ku Yaala+Ciidamo Tiro Badan Oo Dab-damiska Ka Tirsan Oo Dhaawacyo Culus Loo Gaystay

Dabkan aya waxaa sababay Shoodh Laydh sida dadweynaha goobta joogay ay nagu soo wargeliyeen, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada hargeysa si hagar la’aana ula dagaalamay dabkaas isla markaana ay u bakhtiiyeen iyadoo dhamaan a laga soo samatabixiyay dadkii iyo wixii kale ee agaba ee laga gaadhay.

Sidoo kale ciidanka dabdemiska ayaa xakameeyay dabkaasi inaanuu ku fidin agagaarka guryaha u dhawaa, waxaana ciidanku dabdemiska ilaahay ku guuleeyay daminta dabkaasi. waxaa iyaduna xusid mudan in Sarkaal Ciidanka Dab-demiska ka tirsani uu dhaawac ka soo gaadhay dabkaas gaar ahaan Shoodh Laydh oo ku dhagay, waxaana markiiba Qaybta Gargaarka Deg dega ee Ciidanku gaar ahaan waaxda Caafimaadku ay Gargaar u Fidiyeen.

Dhanka kale saacado yar kadib waxaa iyadana dab laga soo sheegay Degmada Gacan Libaax Gaar ahaan Xaafada Cabaaye, Dabkaasi oo ahaa Guryo Farabadan oo Jiingadaa isla markaana aad iskugu dhawaa dhamantood ayaa ciidanku mar labaad u baxay, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada Hargeysa gaadheen goobtaas iyadoo isla markiiba la bilaabay hawlgalka dabkaas oo Muddo Saddex Saacadooda Qaatay.

Dabkan ayaa waxaa uu ka bilaabay Jiingad ka mida guryahaa waxaana sida dadweynaha goobta joogay noo xaqiijiyeen inuu sababay dabkaa Shoodh Laydh, waxaana dabkaas oo aad u weynaa Ciidanku gababadii ku guuleysteen Daminta Dabkaas iyadoo aanay Jirin Wax khasaare Nafeed ah oo ka soo gaadhay Guryahaa Gubtay.

Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa waxaa ay xakameeyeen dhamaan dabkaa iyadoo ay u dhawaayeen guryo waaweyn iyo sandaqo aad u fara badan oo isku dhaw dhaw.

Sidoo kalena ciidanka Dab damiska ayaa waxay gurmadd dab baqtiin ah ugu baxeen xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa,halkaas oo ay ka baqtiinayeen dhiilo dab oo loo soo sheegay,waxaana ciidamadii  halkaasi tagay ee dabka bakhtiinayey waxyeelooyin dhaawacyo culus ah  u gaystay dhalinyaro xaafadda dagan kuwaas oo  ciidamada la dhacay  dhagaxaan iyo budhadh ay siteen dhalinyaradaasi.

Waxaana goobtaasi dhaawacyo culus loogu gaystay 10 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dab-damiska ee caasimada Hargeysa,Afar kamid ah ciidankaasi ayaa dhaawacyo culusi soo gaadheen,Laba kamid ah waxa dhaawac looga gaystay Indhahooda oo mid ahaan uu ku laxaad belay,waxaana dhaawacyada ciidamadaasi lagu dawaynayaa cusbitaalka Hargeysa Interational ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kalena wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland ay xalay ilaa shalay galinkii danbe ay soo qabqabteen dhalinyaro tiro badan oo xaafadda lagu laayay askarta dagan,waxaana loo dhaadhaaciyey saldhiga dhexe ee caasimada Hargeysa.

Gabagabadiina xiliyada ay ciidamada Dab-damisku ay ku jiraan hawlaha dab bakhtiinta ayaa waxa goobta dabku ka kaco waxa soo buux dhaafiya dadwayne fara badan ,waxaana badanaa goobtaasi ka dhaca fawdo dhex marta ciidamada Dab damiska iyo bulshada goobta ku sugan.

1 2 3 4 5 6