Dawlada Jabuuti Oo War Ka Soo Saartey Khilaafka Ka Dhex Qarxay Dalalka Carabta Iyo Qadar + Dhinca Ay La Safatey Oo Ay Si Cad U Sheegtay

Djabouti(GNN):- Dowladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay xidhiidhkii dhinaca Diblumaasiyada
ee kala dhaxeeyay dalka Qatar, waxaana ay tani qeyb ka noqoneysaa jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan dalalka Carabta.

Laakiin haddana marka dhinaca kale la eego dowladda Jabuuti ma aysan jarin gabi ahaanba xdhiidhkii ay la laheyd dalka Qatar sida ay sameeyeen dowladdaha Sacudi Carabiya,Imaradka Carabta, Masar,Yemen,Libya, Meldevis iyo Mouritania.

Siddoo kale dowladda Senegal ayaa sheegtay in ay dib ugu yeedhtay safiirkeedii ka joogay dalka Qatar si ay wadda tashi ula yeelatay.

Taallabada ay qaadeen Jabuuti iyo Senegal ayaa abuuri karta walaac ah in ay jiri karaan wadamo badan oo qaarada Africa ah oo laga yaabo in ay ku dhawaaqaan tallaabo la mid ah tan ay qaateen wadamada Carabta qaarkood ee ka dhanka ah Qatar.

Dowladda Soomaaliya oo arintan war ka soo saartay maanta dhinaceeda ma aysan sheegin wax u eg in ay xidhiidhka u jirta Qatar, laakiin waxaa ay muujineysay sidda ay uga waalacsan tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadamada Khaliijka, iyada oo ugu baaqday dhinacyada in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda.