Dawlada Sweden Oo Loo Gudbiyey Mooshin Lagu Codsanayo Aqoonsiga Somaliland,Xisbi Taageeray Mooshinka Iyo Jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalkaasi

Mooshinkan oo uu gudbiyey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Sweden oo lagu magacaabo Magnus Oscarsson isla markaana ka tirsan xisbiga Christian Democratic ayaa u jeediyey dawlada Sweden in ay tixgaliso mooshinkan.Xildhibaan Magnus Oscarsson oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Sweden iyo safiir sharafeedka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wadamada Qaaradda Yurub Mr Mikael Torstenson ayaa dunida u  bandhigay inay Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal buuxiyey shuruudihii dunidu uga baahnayd ee Qaran buuxa loogu aqoonsan lahaa,waxaanay ka digeen in qaladkii ugu waynaa ee Beesha Caalamku gaysato noqon doono hadii layska Indho tiro xaqiiqda Jamhuuriyadda Somaliland ka jirta iyo guulaha ay gaadhay 26 sano oo ay madax banaanayd.

Dublamaasi Mikael Tortensson oo ah sarkaal siyaasadda aqoonsi raadiska Somaliland wasaaradda arrimaha dibada ee Somaliland kala shaqeeya xubin sharafeedna ay Somaliland ugu magacawday inuu dalalka qaaradda Yurub u qaabilsanaado iyo xildhibaan Magnus Oscarsson oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Sweden oo isaguna kamid ah mudanayaasha reer Sweden ee aqoonsi raadinta Somaliland u ololeeya ayaa si adag uga hadlay xaqqa ay jamhuuriyadda Somaliland u leedahay in Qaran madaxbanaan oo dunida ku soo biira loo aqoonsado madaama oo ay shuruudihii looga baahnaa dawladnimo oo dhan ay buuxisay Somaliland.

Dhinaca kale xildhibaan Magnus Oscarsson oo ah siyaasi qoyskiisu caan ka  yahay siyaasadda dalka Sweden oo xilal kala duwana ka haya qaarkood sidoo kale walaalkii Mikael Oscarsson na uu yahay mudane ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi ku jira oo ah siyaasi wayn oo dalkaasi laga yaqaano,waxaana uu dhawaan xildhibaan Magnus u gudbiyey wasaaradda Arrimaha Dibada gaar ahaana wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibada Sweden Mr Margot Wallstrom mooshin dawlada Sweden iyo xisbigiisa Democratic (KD) uu kaga dalbaday aqoonsi iyo Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland ay Sweden siiso xagaaga soo socda,iyada oo sida uu xildhibaan Magnus sheegay uu rajo ka muujiyey in guud ahaan madaxda xisbigiisu arrinta kula socdaan Ictiraaf dalkoodu siiyo Somaliland.

Balse sida warbixintan lagu sheegay mar wax laga waydiiyey haweenayda wasiirka arrimaha dibada Sweden aqoonsiga uu ka dalbaday xisbiga Christian Democratic (KD) in dalka Sweden uu aqoonsado Somaliland,waxay ku gaabsatay in aanu dalkeedu doonayn in waa sida ay hadalka u dhigtee ay faragaliso nabadgaliyada aan lugaha adag ku taagnayn ee Somalida.

Xildhibaan Magnus Oscarsson oo ka hadlay arrinkan ayaa waxa uu yidhi

“Halkan waxa ina horyaala fursad aad u Dahabi ah taas oo aynu aqoonsi ku siin karno dalka Somaliland oo ku guulaystay inuu ka shaqeeyo dimuqraadiyadd guulaysatay,xuquuqda Bini’aadamka iyo Xorriyatul Qawlka Diimaha,hadii aynu rabno dal tusaale fiican Afrika u noqda halkan dalkeena Sweden waa in uu door xaga hore ah ka ciyaaro Aqoonsi Somaliland la siiyo”.

Siyaasi xildhibaan Magnus oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “Wax kaste ma liqi kartid laakiin anigu khibradayda waxaan usoo joogay waxay inagu noqon doontaa khaladkii ugu waynaa ee aan abid samayno hadii aynaan Somaliland ahaan u taageerin”.

Dublimaasi Mikael Tortensson oo la hadlay isna aqalka Organization Freedom House ee dimuqraadiyadda iyo amniga wadamada dunida qiimeeya ayaa u sheegay inay Somaliland waxa dib u riixay doorashooyinku ay tahay abaaraha baahsan ee dalka ka jira waxa uu yidhi

“Midabka Huruuda ah micnihiisu qayb ahaan waa xorriyad,sababtuna waxay tahay doorashooyinka hadda la rabo inay ka qabsoomaan dalka (Somaliland) waxa dib u dhigay roobabkii oo la waayey,abaaraha xumaaday ee dalka ka jira awgood,wax roob ahna ma helin Somaliland muddo Laba Sanno ka badan”sidaas ayuu isna yidhi Diblumaasi Mikael Tertensson.