Deg-Deg-Ciidamada Amaanka Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Hogaamiyaha Dablay Tacshiirad Ku Furtay Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam .

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi-jeex – Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed iyo Cabdikariim Aadan Jibriil, ayaa ka badbaaday weerar dablay hubaysan ku qaadeen gelinkii dambe ee maalintii Salaasada.

Dabley hubaysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday baabuur ay wateen masuuliyiinta degmada Daarasalaam oo marayey tuulada Bacaddo oo u dhexaysa caasimadda Hargeysa iyo degmadaas.

“Aniga iyo ku-xigeenkayga oo ay nala socdeen askar ka tirsan ciidankii booliska dagmada Daarasalaam oo siday maxaabiis, ayaa waxa dhexda noo galay rag hubaysan oo watay gaadhi laan-karuusar ah, isla markaana uu waday nin la yidhaa Khadar Bohosha, kadibna wuu nagu jaray, waxanana nagaga soo degay toban nin oo

qoryo sita, dabadeedna rasaas ayey dabada noo qabteen oo meel kasta kaga dhacday baabuurkaygii. Ragga na rasaaseeyey waxa ku jiray mid ka mid ah ciidanka ilaalada Maayarka caasimadda.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed oo qaar ka mid ah warbaahinta uga xog-warramay sidii uu u dhacay isku dayga dilka ee ay ka badbaadeen.

Waxa uu intaas sii raaciyey, “Dabadeed waannu ka soo dhaqaaqnay oo booliskii naa socday wax rasaas ah ma ay furin, kamanay jawaabin rasaastii dablayda hubaysan nagu hurgufeen. Markii tacshiiraddu dhinac walba baabuurkayagii kaga dhacday ayaannu u u soo baxsanay dhinaca Hargeysa. Intaas nagagamay hadhin ee way nagala daba yimaaddeen, xabbaddana way nagu wadeen, waana Ilaahay mahaddii oo intayadii gaadhiga saarnaa cidna wax kuma noqon oo Ilaahay ayaa na badbaadiyey.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Wasaaradda Daakhiliga iyo taliyaha ciidanka booliska u gudbiyeen falka lagula kacay, balse waxa uu xusay in aan illaa hadda waxba laga qaban arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aad u xannuun badan, “Dawladda ilaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska waannu la socodsiinnay, markii dambena maxkamadda ayaa soo saartay waaran qabasho ah, hawshaasina waa mid u taalla hay’adaha ammaanka Somaliland.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam waxa uu ku eedeeyey dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa inay farogelin ku hayso dhulka degaanno ka tirsan degmadooda, “Waxa weeye dawladda hoose ee Hargeysa farogalin badan ayey ku haysaa degmada Daarasalaam, caqabad weynna waxay ku tahay nabadgelyada iyo amniga bulshada reer Daarasalaam. Tusaale ahaan; waxa jirta beer ka tirsan degmadayada oo dawladda hoose ee Hargeysa doonayso inay qorshayso, taas oo ah beer laysku haysto oo aannu maamul ahaan hawsheeda ku jirnay, dabadeedna annagoon ogeyn ayaa dawladda hoose cagaf soo galisay. Markaannu ku nidhi waar meeshani waa Daarasalaam oo anigaa guddoomiyaheedii ah ee iskaga baxa, ayaa waxa dhacday nin masuul qaran sheeganaya ayaa qaab qabiilaysan iigu soo kiciyey kooxo dhallinyaro badan u badan oo intooda badan qoryo sitaan, waana markii labaad ee kooxdaasi weerar igu soo qaadaan, dhibaatana ii geystaan.”

“Gaadhigii dawladda ee aannu wadanay waxa ku dhacay ugu yaraan 50 xabbo oo rasaas ah, waxaannu yaallaa hadda meel ku dhow kontoroolka woqooyi ee laga galo magaalada Hargeysa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Guddoomiye Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed.

 

Geesta kale, ciidanka booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay hoggaamiyihii dablayda weerarka ku qaaday masuuliyiinta degmada Daarasalaam oo lagu magacaabo Khadar Xuseen Cali-Ilis (Bohosha) fiidnimadii xalay.