DAAWO SAWIRADA:Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Saddex Xisbi Qaran Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Isugu Yimid

Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Saddex Xisbi Qaran Ee Somaliland Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa uu maanta la kulmay Hogaamiyayaasha Xisbiyada Qaranka ee Waddani , UCID iyo Kulmiye waxaana ay ka wada hadleen arimaha kaadh qaybinta ka socota dalka , casharadii laga bartay wajigii kobaad ee kaadh qaybinta ( Awdal, Saaxil iyo Goobaha Xeebaha Sanaag), diyaar garowga labada gobol ee hada bilaabmaaya ee ( Togdheer & Mardojeex) iyo diyaar garowga guud ee doorashada madaxtooyada Somaliland.

Kominshanka Doorashooyinka wuxu xisbiyada Qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey , Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo wakhtiyada loo bahan yahay in shaqooyinka la xidhiidha doorashada la soo dhamaystiro iyo waliba ku dhawaaqistii wakhtiga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada madaxtooyada.

Dhinca kale Kominshanka doorashooyinku iyo Saddexda Xisbi Qaran waxay isla qateen habka ay magacyada iyo astaamaha xisbiyadu ugu kala horaynayaan warqada codbixinta iyo qoraalada kale ee doorashada Madaxyooyada 2017 taas oo u dhacday hab daah furan oo qorituur ah.

Exit mobile version