Gudoomye Cirro Oo Guryahooda Ku Soo Booqday Qoyskii Marxuum Mujaahid Ooto Biixi Iyo Xildhibbaan Cali Xaaji Oo Wiil Uu Dhalay Ka Geeriyooday + Sawiro

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ay booqashadiisan ku wehelinaayeen siyaasi Cabdi Raygal oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI, siyaasi Siciid Sulub iyo weli ba sida oo kale Mujaahid Xuseen Aadan Cadde, ayaa uu labada qoys ba u rajeeyey in uu Alle samir iyo iimaan uu ka siiyo geeridaas ku timi, isaga oo sida oo kale na Alle ka baryey in uu Marxuumiintaas uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa.
Guddoomiye Cirro oo ugu horreyn la hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa aanu soo booqanay qoyskii iyo reerkii Marxuum/Mujaahid Muuse Biixi oo aanu ka soo tacsiyadeynay geeridaas xaqqa ah. Ilaahay ha u naxariisto Mujaahidka, mar labaad na samir iyo iimaan ha inaga siiyo geeridaas xaqqa ah.”.
Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa kale oo aan halkan tacsi uga dirayaa xildhibbaan Cali Xaaji oo isna wiilkiisii Hanad uu ku geeriyooday dalka Norway, markaa Aabo/Xildhibbaan Cali Xaaji waxa aanu lee nahay samir iyo iimaan isaga iyo dhammaan ba reer Cali, ehelka iyo qaraabada ba oo Hanad Alle ha u naxariisto, dhammaanteena samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.”

12345678