Jabuuti oo Ka Hadashay Casriyeynta Dekeda Berbera Iyo Saamaynta ay Ku Yeelan Karto Dekedooda

Dawlada Jabuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay saamayta ay maalgashiga Dp World ee dekeda magaalada Berbera ku yeelan karto dakedaha Jabuuti,waxaanay Jabuuti sheegtay inay soo dhawaynayso tartan caafimaaad qaba oo dhex mara dekedaha gobolka Geeska Afrika.

Gudoomiyaha maamulka  dekedaha Jabuuti Abubakar Cumar Xadi oo u waramaya wargeyska Capital ee kasoo baxa dalka Itoobiya gaar ahaana caasimada Addis-ababa ayaa sheegay in aanu dalkiisu ka walaacayn hadii Itoobiya isticmaasho dekeda magaalada Berbera.Mr Abubakar oo la waydiiyey saamaynta uu dekeda Djabuuti ku yeelan karo doonista ay Itoobiya ku doonayso inay isticmaasho dekeda magaalada Berbera ayaa sheegay inaanay dawlada Jabuuti iyo  guddiga maamulka dekedaha Jabuuti ka warwarsanayn qorshaha ay Itoobiya ku  doonayso inay isticmaasho dekeda magaalada Berbera.“Kama warwarayno sababtoo ah Itoobiya xajmigeedu si dhaqso ah ayuu ukorayaa sanad kasta”ayuu yidhi madaxa dekedaha ee Jabuuti isaga oo intaasina raaciyey  :Hadii  uu jiro tartan xor iyo xalaal ahi,markaasi maalgashi badan ayaanu samaynaynaa shirkadaha Itoobiyana waxay barbar dhigi karan damacooda meelaha kael”.