Maamulka Puntland Oo Geed Dheer iyo Mid Gaabanba u Fuuley Sidii Magaca Somaliland Loogu Ladhi Lahaa Argagixisada iyo Mooganaanta Somaliland.

Maamulka Puntland ee Somaliya, waa maamulka aynu jaarka ka nahey maamulada Soomaaliya, tan iyo intii la yagleeley maamulkan waxa isoo soo tarayey dibin daabyada ay u maleegayaan Somaliland.

Waxay Weeraro Cad kusoo Qaadi jireen Ciidamada Somaliland ee Ku Sugan Gobolada Sool iyo Sanaag Bari, Waxey Geed Dheer iyo mid Gaaban ku fuuleen in ay dhaawacaan Xasiloonida Somaliland si ay ula mid noqoto maamulada ku hirdamaya talada dalkaas somaliya.

Markii ay fashilmeen dhamaan talaabooyinkaa aan kor kusoo sheegney wuxu bilaabey maalulkani inuu fidiyo dacaayado cusub oo uu isku dayo inuu iska hor keeno Somaliland iyo dalka aynu dariska nahey ee Itoobiya, isagoo fidinaya eedo sheegaya in Somaliland xidhiiidh dhaw la leedahey Dalka Eriteriya.

Kasoo Gudub, Aasaaskii ururka Argagaxisada ah ee Alshabaab oo Uu madax ka noqdey Axmed Cabdi Godane oo Dhalasho ahaan ka Soo Jeedey Somaliland waxa ay fursad cusub u noqotey Maamulka Puntland iyo Borobogaandhadiisii.

Wuxu bilaabey inuu baahiyo warar sheegaya in Somaliland ay maal galilso Alshabaab si aan xasilooni u iman dalka Soomaaliya, arintaas oo ay u riyaaqeen si fiicana u rumeysteen dad badan oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Wuxu isku dayey maamulka in uu fasiraado iyo xidhiidho u sameeyo dhamaan qaraxyadii ka dhaceyey Somaliya isla markaana sheego in marwalba ay lug leedahey somaliland.

iyadoo lawada ogyahey in godane iyo saaxiibadii iyagoo dil kaga xukuman Somaliland oo ay dhibaatooyin laxaadle ka geysteen ay hadana si free ah u joogeen xamar.

Booraan Hadimo ka qodon, hadaad qodana ha dheereyn baa hore loo yidhiye, argagxisadu waxa si aada ugu dhex milantay mujtamaca ku nool Maamulka puntland sanadahan danbe, sababta keentey waxa tahey tabasho badan oo beelo badan oo dhulka maamulkan ku nooli ka tirsadaan puntland iyo in taladadeedu ku ururtey hal reer (Maxamuud Saleebeen), arintaas oo ururada argaxisadu ka faaiideysteen, ayaa halkii laga rabey maamulkani inuu xal u helo, uu isku dayayaa inuuu soo waarido dhibkaas dhinaca jamhuuriyada Somaliland.

Tan iyo markiika ay bilaabmeen falalka argaxisiso ee ka dhaca puntland, waxu maamulku soo bandhigiye taarikooyinka iyo lacagta Somaliland oo uu leehey argaxisidadaa wadatey.

Sida la wada ogsoon yahey dadka Puntland waxey aad u yimaadaan Somaliland, iyagoo safar, arimo caafimaad iyo ganacsiba u yimaada dalkeena, laguma dhibaateeyo, laguma wanjalo, arimo aaney ku luglaheyna madaxa looma galiyo, sida ka dhacda badanka maamulka Puntland.

Iyado lawada ogyehy in lacagta iyo taarikada Somaliland ay maalin walba iskaga gooshaan Jamhuuriyada Somaliand iyo Maamulkan,ayey hadana mar walba isku dayaan iney soo ban dhigaan taarikadeena iyo lacagteena iyadoo la leeyahey Falalka Argagxiso Somaliland Baa ku lug leh.

Waxan tusaale usoo qaadan karaa:

1.Baabuur laga soo rarey Gobolka Hiiraan ee Koonfurta Somaliya oo lagu soo qariyey walxaha qarxa ayey ku ladheen taarikada Somaliland.

Résultat de recherche d'images pour "gaari beledweyne boosaaso"

2. Ururka Alshabaab oo kasoo weerayey Dhinaca Badweynta Hindiya ayey Yidhaaheen lacagta Somaliland ayey Siteen.

Résultat de recherche d'images pour "lacagta somaliland boosaaso"

3. Dhacdadii u danbeysey ee saldhiga milatari ee tuulada Af-rur ee Gobolka Bari ayey sheegeen in dadka weerarka geystey ay soo Mareen Somaliland, oo uu sheegey ninka ugu magacaaban taliyaha ciidamada oo lagu magacaabo Siciid Dheere.

Dhacdooyinka iyo kuw badan oo taxane ah oo uu maamulka Puntland isku dayey inuu isku lifaaqo macaga Somaliland iyo argaxisida ayaa jira, iyagoo u bartey jawaab la’aanta Somaliland oo ku mashquulsan wada hadalada Somaliya.

Guntii iyo Gabagabdii Somaliland marna arimaha kama jawaabto, magaran karo dhayalsiga noocan ah, sir maqabe allaa u sahana, Somaliland waxa laga rabaa iney hurdada ka kacdo, isla markaana ay hubiso dadka ka imanaya Puntland oo sanadihii u danbeeyey noqotey hoy argagxiso, arintaas oo inaga lafteena ay tahey inaan ka hor tagno.

Gabiley.NET