DAAWO Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Khilaafka Golaha Deegaanka Saylac.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil “Saylici” oo muddo safar ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,waxaana uu madaxwayne ku xigeenku ka hadlay ujeedada safarkiisa,kulamo uu la qaatay madaxwaynaha Jabuuti iyo masuuliyiin xukuumaddiisa ka tirsan.

Sidoo kalena waxa uu ka hadlay khilaafka golaha deegaanka Saylac oo cirka isku shareeray isla markaana lagu soo eedeeyey madaxwayne ku xigeenka inuu isagu dabada ka riixayo.

Log11