Maraykanka Oo Sanado Badan Kadib Somaliland Usoo Direy Waftigii Ugu Cuslaa Iyo Nuxurka Kulan Ay La Qaateen Madaxda Axsaabta Qaranka Iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Waftigan oo ka kooban dhawr xubnood waxa hogaaminaya safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Stephen  Schwartz,waxaanay shalay soo gaadheen Caasimada Hargeysa.

Ujeedada safarkooda in kaste oo aanu jirin war rasmi ah oo uu  Maraykanku kasoo saaray haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in ujeedada u wayni tahay inay culays ku saaraan dhinacyada ay khuseyso sidii aanay doorashada madaxtooyadu mar danbe dib uga dhacdeen Bisha November ee loo qorsheeyey,waxaanay xalay bilaabeen kulamo ay la yeesheen xisbiyada siyaasadda oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabaha u baahan in la xoojiyo si aanay doorashadu mar danbe dib ugu dhicin.Kulankaa xisbiyada iyo waftigan Maraykanka ah oo ahaa mid wada jir ah waxa KULMIYE uga qayb galay murrashada iyo gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi,UCID waxa uga qayb galay gudoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga Faysal Cali Waraabe halka uu WADDANI uga qayb galay xoghayaha arrimaha dibada xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cismaan Fadal.

Waxa kale oo warku sheegay in waftigan Maraykanka ahi kulan la yeesheen guddiga Doorashooyinka oo ay iyagana kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland.