Waxaa La Gaadhay Waqtigii La Qiimayn Lahaa Kaalinta Ay Kaga Jiraan Masuuliyiinta Iyo Siyaasiyiinta G/Gabiley U Dhashay Jaangoynta Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land Muxaafid Iyo Mucaaradba,!!

Miyay Wada Qabataa Bulshada G/Gabiley In Taageero Xisbi Laga Doono Markay Doorashada Madaxwaynuhu Soo Dhawaato Sannad Ka Dibna Laga Soo Ooyo Murashaxuu Taageerada U Doonayay ?  

 “Waxaa La Gaadhay Waqtigii La Shirabi Lahaa Su”aalana La Waydiin Lahaa Siyaasiyiinta Dhalinyarada Ah Ee Xisbiyada Siyaasada Horkacaya Muxaafid Iyo Mucaaradba “

Milgo iyo Sharaf Xillka aad hayso u gudataa waxay Bulshadaada u horseedaa una keentaa Maamuus iyo Magac ay kula Tartamaan Bulshooyinka dhigooda ah, sidoo kale Hufnaan Siyaasadeed,Isku Kalsooni,Higsi fog iyo Hann Siyaasadeed oo Mustaqbalka dhaw iyo ka fogba Siyaasigu yeeshaa waxay Bulshaduu matalaayo dhaxal siisaa in Dhalinyarada iyo Jiillka soo korayaa kaga daydaan Hanaankii Siyaasadeed ee Salaanka Siyaasada ku soo koray ,

sidoo kale Karaamo darro iyo Habrasho aad la dhex joogto Saaxada Xisbiyada Siyaasada iyo Xukuumadaba waxay Bulshadaada dhaxal siisaa Sumcad xumo iyo in ay ku Guul daraystaan Tartanada iyo Borotanka loogu jiro Mansabka Dawliga ah iyo Mashaariicda Horomarineed ee Dallka S/land laga hirgaliyay ama laga Hirgalin doono ,iyadoo maanta ay lagama Maar-maan tahay in ay ka leexdaan Siyaasiyiinta Dhalinyarada ah Ee Xisbiyada Siyaasada Horkacaya Muxaafid Iyo Mucaaradba  Dariiqii Guul darrada ee ay hore u mari jireen Siyaasiyiintii uga soo horeeyay Xisbiyada Siyaasada S/land ee Muxaafid Iyo Mucaaradba oo lagu Tilmaami karo Hanaankii Siyaasadeed ee Siyaasiyiintaa hore uga mid ahaayeen Saaxada Xisbiyada Siyaasada Maah-maahda Somaaliyeed ee tidhaa ( Meesha kama tage waxna kama tare ) mar kale waxaa la gudboon Siyaasiyiinta Dhalinyarada ah ee Maanta Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye horkacaya in ay ka foojignaadaan in Xisbiyadu ku Takri falaan Codkii Bulshadaadu siisay hadiise sidii Siyaasiyiintii iyo Masuuliyiintii ka horeeyay ay raali ka noqdaan waxay Bulshadooda dhaxalsiin doontaa in Bulshadaadu ka Aamin baxdo Siyaasi iyo Masuul danbe oo xaaladu gaadho in aan la is-Maqal, la Wada Tashann, Midnimada iyo Wadajirkana Bulshadu ka fogaato  iyadoo Jiilka soo koraya iyo Dhalinyaradii aad Matalaysay ku Turaan-turoodaan Sumcad xumadii iyo Karaamo darradii ay ka dhaxleen.

Mar kale waxaa xusid mudan in Bulshada G/Gabiley Mar, Lababa arkeen Siyaasi hor-boodaya Xisbiyada Siyaasada oo Tageero u raadinaya oo Codka siiya Murashaxayga leh Muddo gaaban dabadeedna ku soo ooyaya waa lana Xumeeyay leh waxaase iswaydiin mudan, Miyayse Wada Qabataa Bulshada G/Gabiley In Taageero Xisbi Laga Doono Sannad Ka Dibna Ka Soo Ooyo Xisbiguu Taageerada U Doonayay ?  mar kale waxaa marag madoona in maanta Bulshada G/Gabiley Saaxada Siyaasada ku lahayn Siyaasi Hann fog oo Hogaamiye ah una Hagar baxaya Danahooda waxayna Maanta Bulshada G/Gabiley baahi wayn u qabtaa Hogaamiye Daacadnimo,iyo Damqasho, Curin iyo Fahan Siyaasadeed oo qoto dheer ku soo kordhiya oo ka saara Dhaqanada uu Sabobay Burburka Dhaqan Dhaqaale ee ay ka Dhaxleen Dagaaladii ka dhacay Dalka S/land Dabayaaqadii Sannadihii Sideetamaadkii, Burburkaa Dhaqan Dhaqaale oo Bulshada G/Gabiley ka dhigay Bulsho gabi ahaanba ka tagta Is-Maqalka iyo Kala Danbaynta, Midnimada iyo Wadajirka oo aan ka Tashan Karin duruufaha la soo gudbuunaada isla markaana Saaxada Xisbiyada Siyaasada ka noqotay Taageerayaal iyadoo Waqtigan waxna iska waydiin Karin siday uga bixi lahaayeen Burburka Dhaqan Dhaqaale ee ay ka dhaxleen Hogaamin Xumo iyo Guul darooyin Xidhiidha oo Sannadihii u danbeeyay ku jiraan waxaana iswaydiin mudan Todobada Su”aalood .

1:  Maxaa Sabobay In Siyaasiyiinta Iyo Masuuliyiinta U Dhashay Deegaanka G/Gabiley Karaamo Ku Yeelan Waayaan  Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land Muxaafid Iyo Mucaaradba ?

2: Kaalintayse Kaga Jiraan Masuuliyiinta Iyo Siyaasiyiinta G/Gabiley U Dhashay Jaangoynta Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land Muxaafid Iyo Mucaaradba ?

3: Ma Garwaaqsan yihiin Madaxda Da”ada yar ee haya Mansabka Dawlada ama Saaxada Xisbiyada Siyaasada ku jiraa  Kaalinta ay kaga jiraan Jaangoynta Saaxada Siyaasada Muxaafid iyo Mucaaradba ?

4: Maxaase sabobay in Bulshada G/Gabiley laga waayo Hogaamiye u hagar baxaya siduu Bulshada uga saari lahaa Burburka Dhaqan Dhaqaale ee ay ku jirto ?

5: Ma muuqataa Rajo Mustaqbalka dhaw kaga gudbi karaan Karaamo Darrada ay ku dhex joogaan Saaxada Siyaasada Mucaarad iyo Muxaafidba ?

6: Bulshada G/Gabiley Dhalinyaradii Aqoonyahanka ee G/Gabiley u dhalatay hadii la siiyay Fursad Siyaasadeed maxaa ka hortaagan in Horomar ka sameeyaan Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land ?

Waxaanse u dhaafayaa Jawaabaha Su”aalahaasi Akhristayaasha Qormadan mar kale waxaa la gaadhay Waqtigii si Toosa Su”aalo loo waydiin lahaa Madaxda Dhalinyarada ah iyo Aqoonyahanka Da”ada yar ee maanta Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land ka tirsan Muxaafid iyo Mucaaradba waxyaabaha uu ku doortay in uu ka mid noqdo Siyaasiyiinta Xisbiga uu ka tirsan yahay, Mar kale waxaa la gaadhay Waqtigii Inkasta si Toosa Su”aalo looga waydiin lahaa in Siyaasiyiinta Dhalinyarada ah Ceelalyada iyo Sahanka Siyaasadeed iyo waxyaabaha uu ku door biday in ay Bulshada G/Gabiley ku Taageerto Xisbiga uu ka tirsan yahay ,Waxaa la gaadhay Waqtigii si Toosa Su”aalo looga waydiin Siyaasiyiinta Dhalinyarada ah ee Maanta Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land ku jira in uu Xambaarsan yahay Fikir Umadeed isla-markaana Maanka iyo Maskaxdaba ku hayo in uu Bulshada Gabiley ka saaro Burburka Dhaqan Dhaqaale ee ay ku jirto, waxaa la gaadhay Waqtigii si Toosa Su”aalo looga waydiin lahaa Siyaasiyiinta Dhalinyarada ah iyo Aqoonyahanka Da”ada yar ee maanta Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land ka tirsan Muxaafid iyo Mucaaradba heerka uu Taagan yahay Fikirkiisa Siyaasadeed iyo in ay ka Go”an tahay in uu Bulshada Gabiley ka Maydho Dhagxumooyin Siyaasadeed iyo Sumcad xumo Saaxada Siyaasada u dhigeen Siyaasiyiintii ka horeeyay.

Ugu danbayn waxaa hubaala in la gaadhay Waqtigii la Shirabi lahaa Siyaasiyiinta Dhalinyarada ah ee G/Gabiley u dhashay ee Maanta horkacaya Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ee Taageero doonka ah kuna loolamaya Kasbashada Aqlabiyada Cod Bixiyaha Bulshada G/Gabiley waxaana lagama Maar-maana in la shirabo oo Su”aalo laga waydiiyo Siyaasiyiinta Dhalinyarada ah ee Maanta Xisbiyada Kulmiye iyo Wadani horkacaya ee raba in Bulshada G/Gabiley ay Taageerto Sahanka iyo Ceelalyada ay u galeen ee uu ku doonayo in Bulshada G/Gabiley Codkooda siiso Xisbiga uu ka tirsan yahay iyadoo Bulshada G/Gabiley Taageeradeeda iskugu gayn doonto Siyaasiga Dhalinyarada ah ee Bulshada G/Gabiley ku qanciya Ceelalyada iyo Sahanka Siyaasadeed ee uu ku doortay Xisbiga uu ka Tirsan yahay.

Qalinkii Iyo Gorfayntii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle ( Gabiley S/land )

Exit mobile version