Gudoomiyaha Xafiiska Kulmiye Oo Xafiiska Ku Qaabilay Wefti Uu Hogaaminayo Safiiir Ingiriis Ahi+Sawiro

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xisbal-xaamika Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya David Concar oo booqasho ku yimi dalka.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayey Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaadhaafi), waxa kulanka dhexmaray weftiga Safiirka UK oo ka mid ah kulamada caadiga ah ee safiirrada iyo dublamaasiyiinta booqashada ku yimaada Somaliland ay kaga wadahadleen xidhiidhka labada iyo arrimaha u gaarka ah Somaliland

ee beesha caalamka taageerada ka siiso.

Labada dhinac qodobada ugu waawayn ee wada gorfeeyeen waxa ka mid ahaa arrimaha doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay dalka ka dhacdo 13-ka November 2017, taas oo oo Guddoomiye Muuse Biixi ka siiyey warbixin la xidhiidha halka ay marayaan hawlaha loogu diyaaragaroobayo sida kharashka lagu qabanayo doorashada oo intii ugu badnayd ay bixisay xukuumadda xisbiga KULMIYE iyo bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha oo gabogabo ku dhaw gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer, halka labada gobol ee ugu dambeeyey oo ah Sanaag iyo Sool laga bilaabi doono horraanta bisha soo socota ee August.

Waxa kaloo masuuliyiinta KULMIYE iyo dublamaasiyiinta Ingiriisku ka wadahadleen maaraynta dhibaatada ay ka tagtay abaartii ka dhacday dalka, gaar ahaan sida dib loogu xoolayn karo dadka ku caydhoobay, waxaanay isku waafaqeen in loo baahan yahay daraasad dhab ah oo lagu sameeyo abaaraha soo noqnoqonaya si loo helo xal waara oo lagu yarayn karo dhibaatada sannad walba ka dhalanaysa.

Guud ahaan kulanku waxa uu ku dhammaaday is-afgarad ay labada dhinac ka gaadheen arrimihii kala duwanaa ee ay ka wadahadleen.