Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyey Xadhiga Lagula Kacay Xoghayaha Deg. Ibraahim Koodbuur Ee Xisbiga Waddani.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa cambaareeyey xadhiga Xukuumada Kulmiye ay kula kacday xoghayaha degmada Ibraahim Koodbuur ee xisbiga Waddani, Maxamed Cabdi Yuusuf Dheereeye oo lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu xukuumada Kulmiye ugu baaqay inay degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso masuulkaasi ka tirsan xisbiga Waddani oo la sii daayo.

 “Waxaan Cambaaraynayaa xadhiga xukuumada Kulmiye ay kula kacday Xoghayaha Degmada Ibaahin Kood Buur ee xisbiga Waddani oo lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaan ugu baaqayaa xukuumada in degdeg loo sii daayo, xoriyadiisana si bilaa shuruud ah loogu soo celiyo.” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa, waxaanu intaasi ku daray.

“Maaha in siyaasiga iyo shacabka lagu xidho aragtidooda siyaasadeed, waxaana u damaanad qaaday shuruucda dalka in xoriyadiisa lagu xidhana maaha” ayuu yidhi Afhayeen Buubaa.

Mudooyinkii u dambeeyey waxa isa-soo tarayey xadhiga, cabudhinta iyo cago-juglaynta ay xukuumada Kulmiye kula kacayso masuuliyiinta xisbiga Waddani ee gobolada dalka gaar ahaana gobolada Togdheer iyo Hargeysa.

Hadii talaabooyinka noocan ah ee ka dhanka ah xisbiyada mucaaridku ay sii socdaan xiligan ay Somaliland isku diyaarinayso doorasho Madaxtooyo inay gasho, ayaa waxa ay shaki galin karaan in dalka Somaliland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo si daahfuran ay xisbiyada mucaaridku u helaan xuquuq la mid ah ta xisbiga talada haya ee Kulmiye.