Diyaaraddo Dagaal oo ku dhawaad tobaneeyo ah ayaa la sheegayaa inay fadhiisteen Hargeysa Airport

Warar aan si rasmi ah dawladda Somaliland u xaqiijin ayaa sheegaya in maanta garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ay soo fadhiisteen 10 diyaaradood oo Helicopter ah, ahna kuwa dagaalka.

Dayuuradahan oo  qiyaastii tobbanneeyo kudhawaad ahi waxay kasoo mudh yidhaahdeen Astaanta Hargeysa ee Naasaha Hablood dhexdooda.
Duulimaad Jawi hoose oo qurxoon oo isbarabaro socod ah ayay Hargeysa kusoo dulmareen, Dadweynaha dariiqyaduna daawasho kedis kaga bogasho ah ayay qadar kooban indhaha Cirka kuwada hayeen ilaa ay Garoonka ka gaadhayeen.
Waa diyaaraddo Military, welina majiro war kasoo baxay dhinaca Xukuumadda Somaliland kaasoo sheeggaya ujeeddada Diyaaradahan.

Bal aynu eegno warka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ka soo saarto diyaaradahan dagaal.

 

 

Exit mobile version