Wefti Culus Oo Socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Oo U Amba Baxay Wadanka Sacuudi Carabiya Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay+Sawiro

Weftigaasi oo ka koobnaa shan wasiir oo ka tiran Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Diinta iyo Awqaafta iyo Waxbarashada.
Weftiga ayaa galabta markii ay kasii dhoofayeen Madaarka la hadlay warbaahinta, waxay sheegeen inay u socdaan Xajka iyo hawlo shaqo, oo ay martiqaad rasmiya ka haleen boqortooyada wadanka Sucuudi Carabiya.
Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkooda waxaanu yidhi “ Waxaanu nahay wefti ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo u ambaxaya dalka Saudi Arabia, waxaanu u tagaynayaa Xaj, waxaa na marti qaaday dawladda dalka boqortooyada Saudi Arabia, waxa nalagu marti-qaaday xajka iyo madaxda dawlada Saudi Arabia in aannu kulan la yeelano, oo arrimaha labada dal kala wada xaajoono. Insha Allaah markaanu xajno ka dib waxaannu arki doonaa madaxda Sucuudiga, waanu u mahad naqaynaa madaxda Saudi Arabia, arrimahaas iyo xidhiidhkaas waxa keenay oo ay ka dambaysay siyaasadii Xukuumadda Somaliland ay qaadatay ee ku saabsanayd taageeradii xulafada Saudi Arabia Iyo Imaaraadka carabta.”
“ Xidhiidhkani wuxuu ka dhashay wakhti dhawayd oo aan Cimro ku tagay Saudi Arabia ayaannu madaxda Sucuudiga qaarkood is aragnay, waxay noo balan qaadeen inay na marti qaadi doonaan.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Wasiirka Diinta iyo awqaata Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Insha Allah wixii waajib ah waanu ka gaysan doonaa wada-xaajoodkayagaas, waanan ugu mahad celinayaa wada hadalkaas iyo ixtiraamkaas inoo bilaabmay, iyo qiimaynta ay ina qiimaynayaan, Wasiirada halkan marayaa waxay wakiil ka yihiin umadda reer Somaliland guud ahaan gaar ahaan Xukuumadda oo taladeedii ahayd in la taageero dalka Saudi Arabia oo taariikh facweyn iyo runtii xidhiidh ballaadhan oo ganacsi aynnu la leenahay mid dawladeed aanu ka xaqiijin doono, wixii aynu ugu baahnayn Insha Allaahu, iyaguna ay maanta dareemeen in aynu isku baahan nahay.” Ayuu yidhi Sheekh Khaliil.
Xubanaha Weftiga ayaa kala ah Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Arrimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Diinta iyo awqaata Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane.